Arday u dacwoodey hay`addaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ka dib markuu sagaal sano dhacay

Faarax November 30, 2012 0
Arday u dacwoodey hay`addaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ka dib markuu sagaal sano dhacay


Ardaygan oo dhiganayey Jaamacada Umul-quraa eek u taala magaaladda Maka Al-mukarama ee wadanka Sacuudiga ayaa u dacwoodey haya`ad u dooda xuquuqal iinsaanka ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu ku baaso sadex maado mudo 9 sano ah.

Ardaygan oo lagu magcaabo C/casiis Xasan Al-Numeeri ayaa waxa uu sheegay inuu u dacwoodey ragtarka Jaamacadda si wax uga qabto dhibaatadda haysata, waxana uu iigu jawaabey buu yidhi “weli waxaa haysta waraaqahaagii imtixaanka macalinkii maadadaas mana hayo xalkale inuu soo gudbiyo maahaane” waana taas ayuu raaciyey ta igu kaliftey inaan u dacwoodo hayadaha Wadaniga ah ee xuquuqda dadka u dooda ee xarunteedu ku taal Makka All Mukarama.

Sarkaal hayadaasi ka tirsan ayaa sheegay in ay baadhayaan cabashadda Ardaygan si ay wax uga qabtaan hadii ay jirto tacadi lagula kacay iyagoo u raacaya wadda sharciga ah.

 

Seynab Cabdi Warsame

xidigta6@hotmail.com

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com