Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano Joog Dalka (Qurbo Joog) Maqaal

Faarax November 28, 2012 0
Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano Joog Dalka (Qurbo Joog)  Maqaal


Aan Kubilabee Magaca Eebe Bismilaahi Raxamaani Raxiim
Waxaa sanadihii danbe soo kordhayey Qurbo Joogta Somalida oo ku soo badanaya Siyaasada iyo Dalka Somalia iyagoo markaas u imaanaya xayn xayn, u  imanaaya siyaabooyin kala duwan kuwo isku sharaxa Madaxweye, Wasiir, Safiir ama Shaqooyin kale ee Dowladu leedahay.
Qurbo Joogta Xildoonkaa Waxay isku dayaan in ay Danahooda ay awooda saaraan kuwaas oo marka uu isa soo sharaxo la soo gala Labo Lugood  oo mid Dibada u taal midna Gudaha u taal marka laga Guuleystana  ama uu waayo xilka  Diba ugala baxa kadibna isaga laabta Qurbuhuu ka Yimid, mana ahayn  mowqifkii iyo ujadeedadii dalka uu  u yimid in ay ahayd Bad Baado Qaran, Ma Dad iyo Dal Burbursan baa Interest ama Dano gaara loola yimadaa Mise Badbaado iyo hormarbaa Wadanka loola yimadaa?.
Dadweynaha qaarkood oo la yaabay qurbo joogta xildoonka ah ee aan danaha u ahayn umada ayaaa waxay u bixiyeen magaca la yiraahdo Dayuus Baro Tan oo u eg mid loola jeedo in aysan ka soo bixin Hormarkii laga filaayey in ay ku dhaqaaqaan aqoon yahanadda Dalka ee Dibada wax ku soo bartay ee isku soo sharaxaya Dalka gudihiisa hadana aan lahayn hormar cadaalada sinaan iyo wax qabad
Wali mala sheegay urur ama xisbi ama koox ama shaqsi u istaagay in uu dalkiisa wax ka qabto isaga oo aan soo raadsan xil hase ahatee sameeya Schoolaad, Jamaacado, Ceelal biyood, Hormar Hadii ay jawaabtu tahay Waa Dhif Maxay noqon kartaa in umada somaliyeed oo maanta 70% boqolkiba aan aqoon lahayn in ay sameeyaan hormar iyo nabad halka kuwii laga sugayey 80% boqolkiiba in ay aqoon iyo hormar keenaan ay noqotay in ay keenaan Dib u dhac Xildoon iyo Qas wade Dalka Dibadiisa ka soo Dira lacag ama dhaqaale oo u adeegsanayo dana u gaara.
Waxaa la rabaa Marka aad tahay Qurbo joog Musharax ah ama Xildoon ah in ay kaa go’an tahay in Dalka aad wax u qabato Soono Guurto oo aad dalkaaga dib ugu soo laabato lana qaybsato umadaada dhibaatooyinka ay ku jiraan Waxaad arkaysaa Musharax Diyaarad ku imaanaya dalka oo aan lahayn Guri loogu Sameeyo Shaqadiisa ama hawshiisa ee ku soo degaya Hotel ama maalmo guri uu kireesto kadibna dib ugu laabanaya Diyaarad, ( Rover)Taasna ay cadahay Ujeedkiisa balse umada markaas aysan dareemi karin hase haatee waxaa  la rabaa in Qurba joogto ay ka shaqeeso badbaada Dalka iyo Dadka.
Hadii la helo Dad Qurbo jooga oo aan isku soo taagin Xil ay dano gaara ka doonayaan Waxaan hubaa in ay noqon lahayd Fursada ugu weyn ee dalka wax ka badali lahayd hadii la helo ururo ama xisbiyo Qurbaha wax  ku soo bartay kuwaas oo dalkooda la yimaada Hormar wax-wax barasho mid  Caafimaad mid Siyaasadeed Waxayna wax tar weyn u ahayn lahayd umada somaliyeed ee ku nool dalka ee maalin kastaa u taagan dhibaatada iyo burburka kuwaas oo aad arkayso in ay u dulqaadanayaan dhibaatada ka taagan wadanka iyagoo sidaas u og ayaa qaarkood ka shaqeenayaan nabada, Wadaniyada, Babaadada umada iyo hormarka dalka.
Qormadaan waxaan ku xusayaa in ay Gabeeen Umada qurbo  joogtaa ee aqoonta leh ee wax baratay Badbaadii dalka iyo dadka Waxana indhahaygu arkeen kumanana Qurbo jooga oo dalkoodii oo bubursan u raadsanaya Xilal ay ku doonayaan dano gaara waayihii danbe waxaa soo baxday Arin la yaableh oo ah musharixiinta in ay musharax kastaa ama shaqsi kastaa oo qurbo joog ah oo xildoonaya in uu Wada hadal la soo galo Dalka uu degan yahay.
Waxaan Xasuustaa anigoo tusaale u soo qaadanaya Xilayadii dalku ku soo badanayey qurbo joogta Xiligii Puntland ee 2009 Waxaa isa soo sharaxay oo dibada ka yimid 20 Musharax ku dhawaad oo Qurbo jooga Qaarkoodna dalka waligood aan cag soo dhigin kuwaas oo intii u badneeed ay dib u laabteen walina aan dib cagaha u soo galin taas oo aan kaga tusaale qaadanayno oraahdaan oranaysa Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano Joog Dalka, Sidoo kale Doorashadiii Somalia ee 2012ka Waxaa isoo soo sharaxay ama xilal kala duwan soo raadsaday ugu yaraan 30da meeyo Qurbo jooga oo aan dalka dib ugu soo laaban.
Waxaa aad u fiicnaan lahaa in Qurbo joogta Xildoona ah ee Dalka kusoo badnaya in aysan dalka u imaan Dano gaara ama sii bur burin ee ay dalka u yimadaan sidii ay u dhisi lahayeen iyagoo ururaa ama xisbiyo ah ama Group ah, kuwaas oo dalka ka qabta wax qabad la taaban karo waxanaa markaas imaan lahaa tartan la yiraahdo urur ama xisbi hebel wuxuu Dhisay 4 Ceel oo biyaa wuxuu dhisay Sadex Jaamacadood wuxuu dhisay dhaqaalihii wadanka wuxuu dhisay ama ka shaqayey Amaankii wadanka oo markaas qolo walbaa tartan gasho taas waxay noqon lahayd badbaada Qaranka Waxayna ahaan lahayd  Sida dad khibrad leh (Expatriat) oo laga faaido khibradooda Meela badana wax kafiirsha ama ka cabira (Ground-breaker)
Somalia Bubur weyn baa ku dhacay oo dhoor iyo laabatan sano haya in kastoo somalida ay tahay Dad muslim ah oo niyad wanagsan mar kastana fisha in ilaahay dib ugu soo celin doono dowladnimadii iyo barwaaqadii somalia ku jirtay ayaaa hadana waxaa jirta Dhibaatooyin aad u badan oo shacabka somaliyeed aysan marnaba ka hor tagi karin ee ah Siyaasi ama Xildoon Wata Dano Gaara kuwaas oo markaasi ku maldaha Qabiilkiisa ama Groupkiisa ee markaas ay wada socdaan kuwaas oo  afar sano dalka burburiya markii la doorto, kamana fakaraan in ay dalka badbaadiyaan iyo  naftooda ee waxay firiiyaan dantooda Gaarkaa sidoo kale  Waxaan iyana ka Fiicnaan kuwa marka danbana qabta Dowlada  ee waxay sameeyaan Afartiis sano ee burburka ayey  bartii ka misaan,  taasna waa burburin aan dalku Dib ugu soo noqon karin Dowladnimo.

Hadaba Waxaa Qurbo Joog Jiitin-Dhacmeed ku noqonaysa Oraahayda Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano Joog Dalka si aad Dalkaaga iyo Dadkaaga aad wax u Tartid Waxna u ogaatid.
W/Q: Farhan Yasin Mire    (isqootax)

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com