Gudoomiyaha Gobolka mudug Ee Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamc Tigey Oo Maanta Warfidyeenada Kula Hadlayay Gaalkacyo ayaa Waxaa uu ka hadlay Dil Habenkii Xalay ahaa Xaafada Garsoor Loogu Geystay Alla ha naxariistee Aadan Faarax Dheere Oo ka ahaa Ganacsatada Sida Weyn Loogu Yaqiinay Gaalkacyo Xilli Uu Ka Soo Baxayay Masaajidka Salaaxudiin
Tigey ayaa sheegay in dilkaasi ay ka dambeyaan Kooxihii Dilalka ka geysan Jiray Gaalkacyo islmarkaan Bartilmaameedka u ahaa Wax Ku Oolka Gobolka Mudug Sida Uu Hadalka U Dhigay
Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Waxaa uu ka hadlay ilaa 5 qof oo ka soo Jeeda Puntland Oo Maalintii Shalay Laga soo Afduubtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo
Maxamed ayaa xusay in Dadkaasi ay afduubteen maleshiyaad uu sheegay in ay ka soo jeedaan Maamulka galmudug laguna Haayo Deegaanada Galmudug isagoona Ugu baaqay Maamulka Galmudug Iyo Kooxda Haysta Dadkaasi In ay si Sharuud la.aan ah ay ku sii daayaan
Magaalada Gaalkacyo Oo ah Magaala U kala Qeybsan Galmudug iyo Puntland ayaa Mararka Qaar waxaa ka dhaca Dhacdooyin lidi ku ah Amniga kuwaasi Oo Badankood Lagu bartilmaameysanayo Waxgaardka iyo masuuliyiinta Maamulada Waxaana Jirin Xariir Rasmi Oo Muuqa Oo u dhaxeya Galmudug iyo puntland Marka laga hadlayo Sugitaanka Amaanka Gobolka Mudug
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka mudug
Dhageyso Gudoomiyha Gobolka Mudug ee Puntlnd Maxamed Yuusuf Jaamc Tigey
Raadraacnews——————- Gaalkacyo
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —









Comments are closed.