Nin hoy ka digtay Tuubooyinka Wasakhda Qaada Maxaa ku kalifey?!!!!

Faarax November 30, 2012 0
Nin hoy ka digtay  Tuubooyinka Wasakhda Qaada  Maxaa ku kalifey?!!!!



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Magaalo ku taal wadanka Shiinaha oo lagu magcaabo Dalian ayaa kooxo ka tirsan ciidanka dabdamiska ahi isku dayeen inay ka soo saaraan tuubooyinka dhulka hoostiisa mara ee qaada waskhda nin halkaasi ka dhigtay hoy mudo dheer.

Kooxdan ayaa waxaa ku war geliyey nin marayey wadda oo maqlay luuqda hees ka baxaysa tuubada uu dulmaro laamiga uu marayey, kaas oo isku deyey inuu la hadlo hase yeeshee uu ka dhega adaygay kadibna uu ku war geliyey dabdamiska si ay u badbaadiyaan.

Ciidanka dabdamiska  ayaa xoog u adeegsadey inay ka soo saaraan  ninkan goobta qashin mareenka ah, waxana ay su`aaleen sababta ku kaliftey tuubadan oo ay maraan badanaa saxaradda iyo biyaha wasaxda ah ayaa waxa uu sheegay inay tahay hoyla`aan, waxana uuna intaas ku daray in ay wehel uga tahay qabawga daran ee ka dhaca magaaladaas.

Dad goobtaasi ku soo ururay ayaa sheegay in ninkani uu ka tuugsado wadooyinka halkaasi ku dhow aanayna ogayn meel uu ku noolyahay balse ay u malaynayeen qadhmuunkiisa qof ay wax u dhiman yihiin (Waalan).

 

Seynab Cabdi Warsame

xidigta6@hotmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.