Baadari lagu dilay Magaalada Mandheera ee Wadanka Kenya.

Faarax December 4, 2012 0
Baadari lagu dilay Magaalada Mandheera ee Wadanka Kenya.


Kooxo hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay ku dilay magaalada Mandhera Baadari madax ka ahaa Kaniisad ku taalo Magaaladaasi ee Gobolka Waqooyi Bari, Wadaadna Baadariga ah oo ahaa Kenyan ayaa wararku sheegayaan in dilkiisa uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool Magaaladaas.

Raga Dilay Baadariga ayaa Rasaas huwiyay Wadaadka si kadis ah isagoo hor fadhiyay kaniisada waxaana a sheegay in ay baxsadeen kolkii ay falkaasi dilka ku kaceen.

Ciidamada nabad-galyada dowladda Kenya ayaa durbaba soo buux dhaafiyay goobta lagu dilay baadariga, iyagoo halkaa ka bilaabay baaritaanno saameyn ku yeeshay dadka reer Mandheera ee Gobolkaasi W/bari Dalka Kenya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Kenya oo wali u caal la’ wax ka qabashada dilalkan ku sii kordhaya magaalooyinka Wadanka Kenya.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress