Chelsea oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee Champion ah oo ka hadha Group-yada,aydoo difacnysa koobkan

Faarax December 6, 2012 0
Chelsea oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee Champion ah oo ka hadha Group-yada,aydoo difacnysa koobkan


 

Kooxda kubbada caf=gta ee  Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku hadha  Championka iyadoo sannadkii hore ku guuleysatay koobkaan, waxaana ay taariikh ku reebtay koobkan maadaama aanan hore loo arkin koox difaacanaysa Championka oo lagu reebo isreeb reebka Guruubka.

Si kastaba ha ahaatee Chelsea ayaa xalay  soo bandhigtay ciyaar aad loo jecleysto, iyadoo 6 gool kaga  adkaatay oo ay goolasha ukala dhaliyeen laba Torres, rigoore waxaa saxiixay Luiz, Mata, iyo Oscar, laakin goolashaasi tirada badan waxba uma tarin ka dib markii Juventus ay ka badisay Shaktar.

Guuldarada ku dhacday Shaktar waxay horseeday in kaalinta koowaad ay Juventus gasho, halka Chelsea guuldaradaasi ay ka reebtay inaay usoo gudubto wareega 16-ka.

Inkastoo Chelsea ay 10 – dhibcood leedahayhadana waxy ku hadhay faraqa goolaha iyadoo  Shaktar hore ugu adkaatay. Sidaasi ayay Chelsea xisaabtan gali karin maadaama Shaktar iyo Chelsea ay hore u adkaatay Shaktar.

Guruubkaan ayaa Juventus ayaa 12 dhibcood leh, halka Shaktar ay leedahay 10 dhibcood, Chelsea oo iyadana leh 10 dhibcood waxay sannadkaan ka ciyaari doontaa koobka European Leagueha.

Dhanka kale waxaa soo baxay Bayern Munich iyo Valencia, Barcelona iyo Celtic inkastoo Messi dib laga soo galiyey uu dhaawac soo gaaray garoonkana laga saaray.

Laakin dhaawaca soo gaaray Messi ayaa Idaacadda Barcelona ee Catalania wuxuu sheegay in dhaawacaasi uusan ahayn mid uu mudo ku maqnaan doono.

 

Manchester United iyo Galatasaray ayaa dhanka kale kasoo baxay waloow Man United gurigeeda xalay  loogu awood sheegtay 0 – 1, waxaana guuldaro dhabarka usaariyey kooxda Cluj ee reer Romania. Laakin hore ayay u xaqiijisatay inaay u gudubtay 16-ka.

Galatasaray oo xalay ku adkaatay 1 – 2 ayaa usoo baxday qeybaha kale ee Championka.

 

Falanqeyaha Ciyaaraha Cabdiqani Sheikh Cabdulahi Irbad

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com