Ciidamada Booliiska oo Saakay Howlgala ka wada Suuqa Bakaaraha Kaddib Qaraxyo Shalay ilaa Xalay Halkaasi ka dhacay

Faarax December 7, 2012 0
Ciidamada Booliiska oo Saakay Howlgala ka wada Suuqa Bakaaraha Kaddib Qaraxyo Shalay ilaa Xalay Halkaasi ka dhacay


 

 

Ciidamada ammaanka ayaa baaris dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib  markii shalay Bam qasaare geeystay lagu tuuray qeybta Dahablaha ee suuqaasi.

Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha Gaashaanle Saciis Xasan Jimcaale ayaa Warbaahinta u sheegay in dhagarqabe ka tirsanaa Shabaab uu shalay Bam gacmeed ku tuuray qeybta haweenku dahabka ku iibiyaan ee suuqa Bakaraha.

‘’ Bumkaasi waxaa ku dhaawacmay 13 qofood oo mid kaliya uu ka ahaa wiil inta kalena waxeey ahaayeen haweenka iibiya Dahabka, ciidamaduna waxey markiiba soo qabteen Afar qofood oo sadex ka mid ah loo yaqaano in ay ka tirsanyihiin Shabaab’’ ayuu yiri taliye ku xigeenka rugta booliiska ee Suuuqa Bakaaraha.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in fiidnimadii xalay Bam kale lagu tuuray isgoyska Aadan Cadde kaas oo aan geysan wax qasaare ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gacanta ku soo dhigi  doonaan kooxaha Bamka tuuraya ee ka soo horjeeeda nabadgelyada.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.