Ciidanka Nabadsugidda ee Alpha Group oo Howlgalo ka Sameeyay Maanta Jowhar

Faarax December 11, 2012 0
Ciidanka Nabadsugidda ee Alpha Group oo Howlgalo ka Sameeyay Maanta Jowhar


 

Ciidamada gaarka ah ee Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa saaka howl galo ka wada Xaafadaha magaalada Jowhar, iyadoo durba ciidamada qabtay dad dhowr ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay qeybo ka mid ah ee Xaafada Hantiwadaag ka wadaan howl galka, waxaana goob joogayaal ay sheegeen in ciidamada ay qabteen ilaa afar ruux.

“Afar ruux oo indhaha ka xirnaa ayaa sii arkayay, iyagoo la lugeysanayay oo dhinaca Saldhiga loo wado”ayuu yiri goob jooge diiday magaciisa in la shaaciyo.

Inkastoo xaalada magaalada saakay tahay mid degan, hadana dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo dadka ayaa xalay ahaa mid caadi ah, iyadoo dadka ay guryahooda ku kala xaroodeen wixii ka dambeeyay salaadii cishaha.

Saraakiisha Maamulka Gobolka ayaa sheegaya in howl galada laga sameyn doono dhamaan xaafadaha magaalada, si ammaanka loo xaqiijiyo, waxaana ay qirayaan inay jiraan miinooyin lagu aasay magaalada gudaheeda.

Magaalada Jowhar oo qiyaasti 90-KM u jirta Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa muddo ku dhow afar sano ka talinayay Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay 17-kii May ee sanadkii 2009-kii, xilligaasoo ay ka saareen Xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ee taageersanaa dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

 

Sawiro

 

Raad Raac News Muqdisho Office

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.