Cristiano Ronaldo Oo Lagu Soo Waramayo Inuu Diiday In Qandaraaska U Kordhiso Real Madrid.

Faarax December 27, 2012 0
Cristiano Ronaldo Oo Lagu Soo Waramayo Inuu Diiday In Qandaraaska U Kordhiso Real Madrid.


 

Wararka ka soo baxaya Spain ayaa tibaaxaya in ciyaaryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo inuu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sida ay maanta qortay jariirada ka soo baxda Madrid ee AS kooxda Los Blancos ayaa isku diyaarisay inay heshiiska u kordhiyaan ciyaaryahanka oo ay filayeen inuu saxiixayo xagaaga soo socda, heshiiskaasoo ah mid uu kooxda ku sii joogayo ilaa 2018 islamarkaana mushaharkiisa sannadlaha oo haatan ah 10 milyan euro looga dhigayo 15 milyan euro.

Si kastaba, 27 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu qandraaaskiisa haatan dhameysto kaasoo dhacaya 2015 ka dibna uu kooxda ka tago, iyadoo kooxo sida Paris Saint-Germain iyo kooxdiisii hore ee Manchester United ay doonayaan.

Ronaldo ayaa bishii September waxa uu sheegay inuusan faraxsaneyn ka dib guul ay kooxdiisa markaas ka gaartay Granada, ciyaaryahanka ayaana sida ay wararka sheegayaan aan ku qanacsaneyn taageerada uu kooxda ka helayo iyo inay ka gaabiyeen inay dhisaan sumcadiisa.

Jariirada AS ayaana soo jeedinaysa in ciyaaryahanka reer Portugal uu dareesan yahay in madaxweynaha kooxda Florentino Perez ama qof kaleba inuusan isku dayin inuu ka xaalmariyo eedeymaha uu tirsanayo.

 

Xigasho Laacib

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com