Wararkii ugu danbeeyey ee ka imanaya dalka spain ayaa ku waramaya in macalinkii hore ee kooxda Barcelona uu dib ugu soo laabtey Magaalada Barcelona.
Macalinkaan sida yar taariikhda wayn ugu samaystey kooxda Barcelona ayaa ka soo duuley magaalada Newyork, wuxuuna fiidnimadi xalay soo gaarey Barcelona.
Saxafiyiinta dalka Spain ayaa macalinkan waydiiyey ujeedada safarkiisa, waxana uu sheegay in sababta ugu wayn ee uu yimid Barcelona ay tahay in uu soo booqdo saaxiibkiisi hore ee Villanova oo qaliin maray asbuucii hore.
Inkastoo hada kooxda uu laylinayo caawiyaha kowaad ee Titto Villanova, hadana waxa la sheegeyaa in Pepe laga yaabo in uu si kumeel gaar ah shaqada u sii qabto tan iyo inta uu ka caafimadayo macalinka kooxda Barcelona Villanova.
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —












Comments are closed.