Dhibatada Dalka Soomaaliya ka Taagan oo Saamaysay Caruurta Soomaaliyeed (Fadlan isku Day Hadaad awoodo Inaad gacan siiso)

Faarax December 11, 2012 0
Dhibatada Dalka Soomaaliya ka Taagan oo Saamaysay Caruurta Soomaaliyeed (Fadlan isku Day Hadaad awoodo Inaad gacan siiso)


 

Dhibaatada Raagtay ee Daalka ayaa Hubaal ah in ay Saamaysay Caruurta Soomaalida oo aan helin Dhakhatiir Sare oo Dabooli Karta Baahidooda waxaana jirin Cid u Maqan Caruurta Soomalida ee ku dhibaataysan Dalka Soomaaliya Waxaan Halkaan ku soo Gudbinaynaa Labo Wiil yar oo ku dhibaataysan Magalada Muqdisho oo Gargaar ka Raba Walaalahood Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Dibadda ku kala Nool Waa Zakariye iyo Abdiweli.

 

Cudurada haya labadan Wiil oo u baahan in ay helaan dhaqaatiir Caalami ah ayaa keenay in noloshoodu ay adkaato,islamarkaana Waalidiintooda oo ka soo jeeda Qoysas Sabool ah ay awoodi waayeen in Caruurtani ay helaan Adeeg Caafimaad,maadama Waalidiinta dhaley Caruurtan Xilligan ay la Daala dhacayaan daruufo nolol xumo,islamarkaana ay ku adag tahay xitaa bixinta Nolol Maalmeedka,iyaga iyo Caruurtooda.

 

Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah Awoowaha labadan wiil ee Xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka haya Labadan Wiil in ay ku dhasheen,islamarkaana gudaha dalka wax looga qaban waayey,waxayna u baahan yihiin ayuu yiri Dhaqaatiir Caalami ah oo Qaliino ku sameysa jirkooda,kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa,isagoo tilmaamayna in ayan awoodin Dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen Caafimaadka Caruurtaasi.

 

Si labadan Wiil ee Caruurta ah wax loogu qabto ayaa waxaa laga codsanayaa Ummada Soomaaliyeed oo ku nool dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba in ay gacan ka geystaan sidii Walaalahooda dhibaateysan ay gacan ugu fidin lahaayeen,Ogow waxii aad Sadaqo ula baxdidna in ay kaaga horeyso Aakhiro.

 

Sawirada Abdiweli Yare

 

 

Sawirada Zakariye Yare Hoos ka Daawo

 

 

Qaybta Hoose Kala Soco Waraaqo Cadeynaya Xanuunkooda iyo Xaalada adag oo Haysta Dalkana aan wax looga qaban Karin oo PDF ah

 

abroad treatment

 

zakariye yakoub

 

 

FG:Haddaba haddii aad doonaysid in aad ka qeyb qaadatid Gargaarka loo fidiniyo labadan Wiil ee Xanuunsan,waxii Sadaqo ah ee aad awoodid ku Hagaaji .

 

Yaquub Cabdi Isaaq

Cellphone. 0025261-5559443

00252699737741

E-Mail: yakoub_43@yahoo.com

E-Mail yakoub43@gmail.com

iyo Suldaan Cabdi Maxamed Nirgoole

Telefoonkiisa: /00252615015660

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com