Ergayga Qaramada Midoobe Arrimaha Soomaaliya oo sheegay in Seddex Kooxod ay Dilaan Weriyaasha Soomaaliya.

Faarax December 10, 2012 0
Ergayga Qaramada Midoobe Arrimaha Soomaaliya oo sheegay in Seddex Kooxod ay Dilaan Weriyaasha Soomaaliya.


 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somalia Dr Agoustine Mahiga ayaa goordhaw ka dhawaajiyay sababah rasmiga ah ee ka dambeeya in la dilo Wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo waliba cida ka dambeysa dilkooda.

Mahiga ayana goordhaw waxa uu ka hadlay Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Xaquuqul Insaanka oo maanta ku beegan waxa uuna sheegay in ay aad uga xunyihiin Fal dambiyeedyada ka dhaca Soomaaliya ee ka baxsan Xuquuqul insaanka iyo waliba beegsiga lagu hayo Wariyaasha Soomaaliyeed.

Dr Mahiga ayaana soo hadal qaaday sababaha ka dambeeya in la Dilo Wariyaasha Soomaaliyeed isagoona Xusay dilka Wariyaasha in ay ka dambeeyaan 3-kooxood uu sheegay in ay leeyihiin dano iyaga u gaar ah kana soo horjeedaan Warbaahinta Xorta ah.

Tan koowaad ayuu sheegay Mahiga in Dilka Wariyaasha ay ka dambeeyaan Al-Shabaab uu sheegay ujeedka ay u dilaan Wariyaasha kaliya in ay tahay in ay ismuujiyaan ayna caalamka tusaan in magacooda jiro ,maadaama markii Wariye la dilo laga sii daayo Wakaaladaha iyo Tv-yada Caalamka , ujeedkoodana yahay in Warkooda faafo.

Tan labaad ayuu sheegay in Dilka Wariyaasha ay ka dambeeyaan Kooxo Dambiilayaal oo ku shaqeeya Musuq Maasuq iyo Wax isdaba marin necebna in Warbaahinta ogaato Xogtooda hadii ay tabiyaana dila Wariyaasha si arintooda looga aamuso oon lasoo hadal qaadin.

Tan 3-aad ayuu sheegay in Dilka Wariyaasha ka dambeysa ay tahay dad aan dooneyn in Warbaahinta hor marto waxna la tabiyo kuwaa uu sheegay in ay jecelyihiin in dalku ahaado sida hada lagu jiro umaadana ay dhagoolo noqdaan si ay u sameeyaan sida ay iyagu rabaan.

Hadalka Mahiga ayaa kusoo aadaya xili Sanadkan Soomaaliya lagu dilay in kabadan 17-Wariye oo badankood aan la ogeyn cida dishay iyo Sababaha loo dilay marka laga reebo Wariyaal Dhoor ah ay Shabaab Qaraxyo Ismiidaamin ah ku dileen.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.