Gabar Isu Gubtay Nafteedana ku weysay Naceeb ay u Qabtay Shiinaha

Faarax December 12, 2012 0
Gabar Isu Gubtay Nafteedana ku weysay Naceeb ay u Qabtay Shiinaha


 

Warbaahinta shiinaha ayaa waxa ay tebisay in gabar reer Tibet ah oo iskuul dhigata ay dab nafsadeeda qabad siisay kadibna ay geeriyootay kadib markii ay ka xanuunsatay dhibaatooyinka Shiinuhu uu ku hayo qoomiyada ay kasoo jeedo.

Gabadhaan ayaa dabka isku qabadsiisay xaafada Dageri ee gobalka Qinghai oo ah goob ku caan baxday in lagu dhigo mudaaharaadyad a looga soo hor jeedo maamulka Beijing.

In kabadan 90 ruux oo kasoo jeeda qoomiyada Tibet-ka ayaa naftooda sidaan oo kale dab qabadsiisay laga soo bilaabo 2009-kii iyaga oo ka careysan xukunka Shiinaha.

Dadka Tibet-ka ayaa waxa ay ka cabanayaan caburin xaga diinta ah oo Shiinuhu ku hayo inksata oo xukuumada Beijing ay dafirtay arinkaasi.

Hogaanka Shiinaha ayaa waxa ay sheegeen in Tibet-ku ay ku raxeestaan xuriyad diimeed sida dadka kaleoo Shiineeska ah.

Arrintaan ayaa Dad badan ka Yaabisay Dalkaasi waxaana socda Baritaano lagu Ogaanayo sababaha Rasmiga ah ee arrintaan xiligaan keentay

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com