Gadiidka ka Shaqeeyo Dekedda Muqdisho oo so dhoweyey Joojinta Canshuurihii Gobalka Banaadir ka qaadi jiray

Faarax December 6, 2012 0
Gadiidka ka Shaqeeyo Dekedda Muqdisho oo so dhoweyey Joojinta Canshuurihii Gobalka Banaadir ka qaadi jiray


Iyadoo dhawaan xukuumada Soomaaliya ay joojisey canshuuraha uu maamulka gobolka Banaadir uu ka qaadayey gaadiidka ka shaqeeya Dekada Magaalada Muqdisho ayaa hadalka xukuumada ka soo baxay waxaa soo dhaweeyey gaadiidleyda Dekada Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Darawaladaasi oo la Hadley Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen hadalkaasi ka soo baxay xukuumada ee ahaa joojinta canshuuraha laga qaado gaadiidka xamuulka ah ee ka dhex shaqeeya Dekada Muqdisho.

Darawalada ayaa waxa ay tilmaameyn in hadalkaasi uu yahay talaabo hormar leh oo ay qaado xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  ayagoona sheegey in ay soo dhaweenayaan hadalkaasi isla markaana lacago fara badan oo canshuro looga qaadi jirey Dekada sida ay hadalka u dhigeyn.

Hadalka soo dhaweynta ah ee ka soo baxay Darwalda ka dhex shaqeeya Dekada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan hadal ka soo baxay xukuumada lagu joojiyey in wax canshuuro ah lagu qaado Dekada Muqdisho ilaa iyo amar dambe.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com