Galmudug Oo Lagu Eedeyay Madaafiidii Saaki Lagu Tuuray Waqooyiga Gaalkacyo+Cod+Sawiro

Xaaji December 7, 2012 0
Galmudug Oo Lagu Eedeyay Madaafiidii Saaki Lagu Tuuray Waqooyiga Gaalkacyo+Cod+Sawiro


Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Taliye Ku xigeenka Ciidamada Baliiska Gen-Muxudiin Axmed Muuse Oo Maanta Si Wada jira ah Saxaafada Kula Hadlayay Xarunta Gobolka mudug Ayaa waxaa ay si kulul uga Hadleen Madaafiic Saaki Aroortii Hore Lagu Soo Tuuraya qaar ka mid ah Xaafadaha Waqooyi Ee Magalada Gaalkacyo kuwaasi Oo Ka Imaanaayay Dhinac Galmudug

Gudomiyaha Gobolka mudug ee Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey Oo  Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan u dul qaadan doonin in la dhibaateyo shacabka ku nool Magalada Gaalkacyoo isagoona ka codsay Maamulka Galmudug in uu wax ka qabtoo weerarada Soo Laabtay Oo Inta Badan ay Fuliyaan Dad ka soo Jeeda Galmudug Sida Uu hadlka Uu U dhigay

Dhinac Kale Taliye ku xigeenka Ciidamada Baliiska Puntlabd Gen-Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in loo baahan yaha in laga wada shaqeyo sugid amaanka Gobolka Mudug isagoona ugu baaqay In si Dag dag ah Loo soo Daayo Dadka lagu haysato Dhinac Galmudug

Hadalka ka soo yeeray Puntland ayaa ku soo Beegmaya xilli saaki tira madaafiic ah ay ku dhaceen dhinac waqooyi ee Magalada Gaalkacyo

Hoos ka Dhageyso

Dhageyso Codka Oo Dhameystiran

Raadraacnews Gaalkacyo

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com