Waxaa xabsi ku yaala mareykanka laga soo daayay garsoorihii dhex dhexaadinayay ciyaartii Talyaaniga iyo South Korea koobkii aduunka ee 2002.
Garsoore Byron Moreno ayaa lagu xiray John F Kennedy International Airport oo ku yaala magaalada New York bishii September 2010 –kii markaas oo lagu helay in uu jirkiisa ku soo qariyay daroogo.
Kadib labo sano oo uu xabsi ku jiray garsoorahan udhashay Ecuador ayaa dib uhelay xoriyadiisa sida ay soo warisay wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA .
Garsoorahan oo 43 jir ah ayaa usheegay dadka wararka fidiya markii la soo daayay in si wanaagsan loola dhaqmay intii uu xirnaa.
Falanqeeyaha Ciyaraha Cabdiqani Abdullahi Irbad
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —








Comments are closed.