Haweeney guurkeeda ku naadisey inay ku bixin doonto hal milyan iyo sadex boqol iyo sodonkun oo Doolar (1,330,000$)

Faarax December 4, 2012 0
Haweeney guurkeeda ku naadisey inay ku bixin doonto hal milyan iyo sadex boqol iyo sodonkun oo Doolar (1,330,000$)


 

 

 

 

 

 

 

 

Haweeney u dhalatay wadanka Sacuudiga ayaa sheegtay inay ninka guursanaya ay siin doonto 1,330,000 oo Dolarka Mareykanka ah iyadoon carabaabin sinjiyada ama dalka uu ka soo jeedo ninka soo codsanayaa.


Haweeneydan oo qarisay magaceeda iyadoo dhawraysa sharfteeda ayaa Jariidada Seyidati ee ka soo baxda wadanka Sacuudiga u dhiibtey qoraal ay ku qeexayso shuruudaha ay ka doonayso ninka raba inuu ku guulaysto hantidaas iyo Guurkeeda.
Haweeneydan oo 33 sano jir ah, islamaarkaana ganacsato hati leh lagu sheegay ayaa waxa ay sheegtay in ay shardi tahay in ninka guursanayaa uu la degayo gurigeeda, isla markaana aanay ka rabin haba yaraatee wax masaariif ah.

 
Mar jariidadu wax ka weydiisey sababta ku kaliftey inay nin lacag intaas leeg ku baadidoonto ayaa waxa ay sheegtay inay horey nin u soo guursatey isla markaana uu ninkaasi damaaciyey hantideeda ayna kala tageen kadibna ay weydey cid danbe oo guur la soo hadal qaada, “waqtigaa maan aqoonsanayn qiimaha ninka waxaanse aqaaney qiimaha lacagta hadase waxaan bartay qiimaha ninka waxaana ilaawey qiimaha lacagta” ayay tidhi iyadoo raacisay hadii uu u qalmo inay ka badan siisan doonto.

 
Arintan ayaa waxaa si aad ah loogu lafaguraa wadamadda Khaliijka oo ay dhibaato xooglihi haysato dumarka ku nool iyadoo ragoodu ay u jeesteen guurka wadamo kale oo dhaqan ahaan sida ay sheegtaan uga debecsan kuwa dalkooda, halka qaar badana ay ilaawaan guurka iyagoo ku mashquula hantida ay haystaan noloshoodana ay la liicdo tumasho iyo fasahaad.

 

 

Seynab Cabdi Warsame
xidigta6@hotmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com