Haweeney Muslintay ka dib markay xanuun 15sano qabtey kaga bogsatey biyaha Samsamka

Faarax December 10, 2012 0
Haweeney Muslintay ka dib markay  xanuun 15sano qabtey kaga bogsatey biyaha Samsamka


Haweeneydan oo lagu magcaabi jirey Raajuu oo u dhalatay wadanka Siralanka ayaa waxa ay u shaqaynaysey qoys Sacuudiyaan ah taas oo ay caqabad ku noqotay xanuunka Suuxdinta oo ay mudo 15 sano ah la il darayd.


Umu Cabdala oo ahayd haweeneyda ay gabadhani u shaqaynaysey ayaa sida ay sheegtay biyaha Samsamka uga soo qaaday magaaladda Barakaysan ee Maka Al-Mukarama oo ay mudo siinaysey ilaa ay ku ladnaatay kagana bogsatey cudurkii Suuxdinta.
Raajuu waxa ay ka codsatay inay Umu Cabdala u sheegto biyahan waxa ay yihiin iyo halka ay ka keentay, taas oo markii ay u sheegtayna ay ka codsatay inay geyso balse, Umu Cabdala waa ka diidey iyadoo ugu sababaysay inay tahay xarunta Islaamka aan loo ogolayna inay tagaan cid aan muslin ahayn.
Raajuu mudo ka dib waxa ay dalabtay in lagu hago Islaamka ilaa ay culimadda horteeda ka ashahaadatey si ay u hesho biyahan barakaysan ee badbaadiyey nolosheeda.
Raajuu hada waxa ay la nooshahay qoyskii ay u shaqaynaysey iyadoo marwo sharf ku dhex leh ah waxaana loogu yeedhaa oo ay la baxday Fariida oo bedeley magaceedii hore.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com