Hay’adda Samafalka ah ee YAGLEEL oo Kismaayo Gargar ugu Qaybisay Barakacayaal iyo Dad Danyar ah.

Faarax December 4, 2012 0
Hay’adda Samafalka ah ee YAGLEEL oo Kismaayo Gargar ugu Qaybisay Barakacayaal iyo Dad Danyar ah.



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

 

Cunto Qeybin Xiriir ah oo labadii Maalin ee u danbeeysay gudaha Magaalada kismaayo ka fulisay Ha’yada Maxaliga ah ee Yagleel Humanitarian And Development Organiztion.

Waaxa maalintii shalay aheyd ee tagtay iyo maantaba siyaabo kala duwan raashiin qeybin gudaha magaalada kismaayo uga sameeysay hayada maxaliaga ah ee yagleel marka magaceed lasoo gaawiyana loo yaqaano (Y.H.D.O) oo fadhigeedu yahay magaalada kismaayo.

Waxaana raashiinkan si siman loogu qeybiyay dhmaan kaamamka kuyaalo xaafadaha kala gadisan ee katirsan magaalada kuwaasi oo ay magan galeen dad barakacayaal iyo kuwo danyar ah oo aana awoodin ku noolashaha goobo kale oo ku yaalo magaalada.

Sidoo kale kaamamkii raashiinkan ka gudoomay haayada yagleel ayaa waxaa tiro ahaan noqdeen 70 kaam oo ayagu isugu jira kaamam hore ugu yaalay magaalada halka kuwa kalana dhawaan dhisteen dad kaloo tawaaleeysan waxaana kunool guud ahaan kaamamkan 24 kun oo qoys waxayna hayadda yagleel gaarsiisay 12 kun oo kiish oo qamadi ah.

Tirada dadka ku dhaqan xerooyinka raashinka laga qeybiyay ayaa noqoneeysa kuwii ugu badnaa ee abid la caawimo marka dib loo eego tariiqda caawimada kaamamka ku yaalo magaalada Kismaayo ayadoona xusid muadan tahay in hayadan yaglel ay hoggaan u noqotay dhamaan haayadaha samafalka eek a howlgala gudaha Somalia maadama ee aydu noqotay hayadi u horeeysay ee ku dhiirata ineey gar gaarto dadka ku dhibaateeysan xirooyinka ku yaala kismaayo kuwaasi oo wax gar gaar ha aanan helin tan iyo markii xarakada al_shabaab qabatay hogaanka siyasada goblaka ilaa maantadan oo gobolka uu gacanta ugu jiro dowlada Somalia.

Ugu danbentii gudo miyaha hayada yaglel kismaayo Cumar Ali Yuusuf ayaa waxuu si gaar ah gar gaar u siiyay dhibanayaal da’yar kuwaasi ayaguna ku noolaa gudaha magaalada waxaana kamid ahaa maxamed yare oo ah wiil yar oo asagoo labada gacmood ka go’an dhasahay iyo wiil kale oo curyaan ah.

 

C/fitaax Sahal Indhacade Raad Raac News kismaayo-somalia

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.