Kenya iyo Uganda oo soo gaaray semi-final-ka koobka bariga iyo bartamaha Africa

Faarax December 5, 2012 0
Kenya iyo Uganda oo soo gaaray semi-final-ka koobka bariga iyo bartamaha Africa


 

Xulka kubbada cagta  Kenya ayaa ku garaacay 1-0 xulka Malawi waxaana ay u soo gudbeen wareega Semi-final-ka Cecafa Senior Challenge Cup oo ka soconaya wadanka Uganda.

Gool uu dhaliyay 12-daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta weeraryahanka waaya araga ah ee xulka Kenya Mike Baraza ayaa Kenya usahlay in ay ka mid noqdaan afarta koox ee ugu dambeysa koobabka bariga iyo bartamaha Africa .

Xidigaha xulka Harambee lagu gaaneyso ee Kenya ayaa la ciyaari doona Semi Final-ka wadanka Zanzibar maalinta Khamiista.

Dhan kele kooxda kubbada cagta Ugana oo koobkan marti gelnysa   ayaa soo gaaray heerka Semi Final-ka markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Ethiopia ,waxaana ay labada gool uga mahad celinayaan Geoffrey Kizito iyo Robert Ssentongo.

 

Falanqeeyaha Ciyaraha Cabdiqani Abdullahi Irbad 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com