Lo da oo ku dulmarta ayaa barako iyo badhaadhe ku jiraa “dadbaa taas aaminsan waa ayo?!!!!

Faarax December 3, 2012 0
Lo da oo ku dulmarta ayaa barako iyo badhaadhe ku jiraa “dadbaa taas aaminsan waa ayo?!!!!


Sanad kasta mar ayaa la arkaa isu soo bax lagu barako iyo rajo wanaag dalbayo taas oo la sheegay inay ku jirto qoobka lo`da oo ku mudma ama ay ku istaagto qofka oogadiisa isagoo isku hor tuuraya si aan barakadaasi u gafin.


Wadanka Hindiya dadka ku nool khaasatan Hiduuska qaar ka mid ah ayaa aaminsan in barakada iyo nasiibka wanaagsan ay ku jirto sanadkiiba maali la yaqaan oo loogu yeedho “Aakadesse” taas oo la soo mariyo wadooyinka lo badan, dadkuna hadba qaar ayaa istuura oo jiifsanaya wadada si ay u dul marto.
Arintan oo ka dhacda badhtamaha Hindiya magaalo ku taal oo la yidhaahdo Padnjar oo ka tirsan gobolka Madhya Pradesh ayaa waxa aad u layaab leh qofka aanu gaadhin qoobka lo`du ama ay ka leexdaan inuu yahay qof ayaan daro soo wajahdey.
Arintan ayaa waxaa u daawasho yimaada sanadkiiba mar magaaladaasi boqolaal dad ah si ay u daawadaan waxayaabaha ay samaynayaan dadkan aaminsan in barakada iyo nasiibka wanaagsani ku jiro qoobka lo`da hoostiisa iyagoo weliba u kala nasiib badan sida ay u kala dhaawac weyn yihiin.
Dalka Hindiya oo laga aaminsan yahay diimo badan ayaa qaar waliba qabaan in toodu ugu fadli badan tahay waxaana aad u kala duwan oo ilaa 40 mabda`a kala wata Hinduuga.

 Seynab Cabdi Warsame

Xidigta6@hotmail.com


|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com