Madaafiic xalay lagu ganay Xarunta madaxtooyada oo qasaaro ka soo gaareen Dad rayid ah.

Faarax December 5, 2012 0
Madaafiic xalay lagu ganay Xarunta madaxtooyada oo qasaaro ka soo gaareen Dad rayid ah.


Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku soo dhacay Sida la sheegay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafadaha  ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo ay isa soo tarayaan qasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Dhawaqa madaafiicda oo ahaa kuwo laga maqlayay inta badan Magaalada Muqdisho, ayaa bilowday abaarihii 12-ka saq dhexe, xilli dadka hurdayeen, waxaana mar qudha bilowday madaafiic si teel teel ugu soo dhaceysay xaafadaha ku xeeran Xarunta Madaxtooyada.

Dad Rayid ah oo ku Nool degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheer ayay waxyeelo ka soo gaartay Duqeymahaasi waxaana la xaqiijiyay ilaa shan ruux oo isku qoys ah in ay ku dhaawacmeen ka dib madfac markii uu ku dhacay gurigooda oo kuyaalay Degmada  Boondheere, iyadoo maamulka degmada uu sheegay inay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay dhanka kale Madfac ayaa isna la sheegay in uu ku dhacay xero dad barakacayaal ah ay deganaayaan waxaana ku dhaawacmay Madfacaasi ilaa Sadex qofood.

Duqeymahan Xalay ayaa waxaa ay walwal iyo cabsi,  ku beereen Dadka Degmooyinkaasi waxaana la sheegayaa in qasaarahii ka dhasay Madaaciidaasi ay sii kordhayaan inkastoo bartilmaameedka duqeymahan ay ahaayeen Xarunta Madaxtooyada hadana madaafiicda qaar ayaa waxaa ay ku dhacayeen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley.

War ka soo baxay Ururka Alshabaab oo lagu daabacay barta Internet-ka ayaa lagu qoray in ilaa 7-Hoobiye lagu ganay xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo ku kala dhacay albaabka hore iyo gudaha Madaxtooyada sida lagu daabacay bogga Somalimemo.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay ku dhawaaqayay inay qaadayaan tallaabooyin lagu sugayo ammaanka.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.