Madaxweynaha Soomaaliya oo Beeniyey iney Jiraan Qilaaf Kala Dhaxeeya Dowladda Kenya

Faarax December 13, 2012 0
Madaxweynaha Soomaaliya oo Beeniyey iney Jiraan Qilaaf Kala Dhaxeeya Dowladda Kenya

Maalmahaan dambe ayaa waxaa jirey warar lays la dhaxmarayey oo ku aadana Qilaaf la sheegey inuu udhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo MadaxdaKenyaayaa waxa arinka ka hadlay oo beeniyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegey iney wararkaasi yihiin waxkamajiraan.



Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in ay san jirin wax colaad iyo xurguf u dhaxeeysa Dowladda Soomaaliya  iyo DowladdaKenya.

Prof Xasan sheikh Maxamuud ayaa intaasi ku darey in Kenya u bareertay sidii ay Soomaliya ugala qeyb qaadan lahayd dib usoo celinta Nabada Ciidamada AMISOM na ay qeyb kayihiin,asagoo inta hadalkiisa sii raaciyay in isbuucyadda soo socda uu tagi doono dalkaasi Kenya.

Waxa jiray Maalmihii U Dambeeyey warar sheegaya in uu jiro Qilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxdaKenyaoo ku aadan dowrka ayKenyaku leedahay maamul usamaynta Kismaayo.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.