Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayay oo maanta u dhoofay Dalka Turkiga.

Faarax December 4, 2012 0
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayay oo maanta u dhoofay Dalka Turkiga.


Madaxweynaha Jamhuuiryada Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta, Wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” afhayeenka Baarlamanka Mudane Max’ed Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo saxaafadda kula hadashay Garoonka ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heleen Dowladda Turkiga ayna kulamo la qaadan doonaan Madaxdaasi Wadankaasi.

Waa sarafkii 3aad ee Madaxweynaha uu ku aaday Dalka Dibadiisa tan iyo kolkii uu qabtay xilka iyadoo uu horay u tagay Dalka Uganda dhanka kalana Dalalka jabuuti iyo Ethiopia uu dhawaan booqday.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com