Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La kulmey Gudoonka Baarlamaanka Jabuuti Daawo Sawirada

Faarax December 13, 2012 0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La kulmey Gudoonka Baarlamaanka Jabuuti Daawo Sawirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi balaaran oo ka socdey Dowladda Jabuuti isla markaana uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.


Kulan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlinayey Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,sidoo kale waxaa halkaasi goob jog ka ahaan Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya waxa uuna madaxweynaha Soomaaliya uu wafdiga jabuuti ku wargeliyey in aysan Soomaaliya marti ku aheyn oo Soomaaliya ay tahay dalkoodii oo kale . ” Dalka waa Dalkiinii Dadkana waa Dadkiinii dadka dhex gala oo la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ugu danbeyn aad u amaanay safarka dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal ayna yihiin labo dal oo walaalo ah .

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com