Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kuLmay Madaxweynaha Dowlada Turkiga Cabdalla Gull.

Faarax December 5, 2012 0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kuLmay Madaxweynaha Dowlada Turkiga Cabdalla Gull.


Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhigiisa Turkiga Abdallah Gull, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid ah is bedelada iyo horumarada ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray qasriga Madaxtooyada ee Dalka Turkiga ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada qalabka sida,ee Dowlada Turkiga iyadoo halkaas uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasada iyo ammaanka, Waxaana  Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Xukumada Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.

Kolka uu dhamaado booqashada Ankara ayaa sidoo kale la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kicitimi doona magaalada Istanbul, si uu halkaas ugula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com