Tuurida Madaafiicdaani aya Timid kadib markii Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmuduug Goor Dhow ay isku Dayeen in ay Qaadaan isbaarooyin Yaala Agagarka Kontaraalka Konfureed ee Magaalada Gaalkacyo Oo ay u taalay Maleshiyaad Ka soo jeeda Galmuudg ayaa arintaasi waxaa ka biya Diiday Kooxdii U Taalay Isbaaradaasi taasi Oo Sababatay in Tira Madaafiic ay ku ceyriyaan Ciidamadii iyo masuuliyiinta isku dayesay in ay qaadaan isbaaradaasi waloow Madaafiicaasi ay ku dhaceen qeyba ka mid ah Xaafada Israac Ee Waqooyiga Gaalkacyo
Waxaana la sheegaya in Hal Madfac Uu ku Dhacay Mid ka Mid ah Guryaha Ku Yiila Xaafada Israac inkastoo aysan jirin wax qasaara Oo soo Gaaray Dadkii Dagnaan Xaafadaasi Marka Laga Reebo Bur bur Soo Gaaray Guryaha
Hayeshe Warar Madaxa Banaan Ayaa sheegay in Markii Howgalka uu socday uu Ciidamada Galmudug ay Dileen ilaa 2 ka mid ah Kooxihii Isbaarada U taalay islmarkaana la soo qabtay qaarkood sida ay xaqiijiyeen Dad Goob Joogayaal ah
Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug Oo Aan Goor Dhow La Xariinay ayaaa ka Gaabsaday in ay Faafaahin ay ka Bixiyaan Madaafiicdaani Lagu Weeraray Waqooyiga Gaalkacyo balse wararka qaar ayaa sheegay in Masuuliyiinta Gobolka Muudg ay u yeereen Saxaafada si ay uga Hadlaan madafiicdaani Lagu Weeraray Xaafada ka Tirsan Waqooyiga Gaalkacyo
Wixii Ku soo Kordha Kala Soco Halkaan Hadii Eeba idmo
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —









Comments are closed.