Masas ku soo dareeray Jaamacad ku taala wadanka Shiinaha (maxay soo doonteen)Akhri

Faarax December 12, 2012 0
Masas ku soo dareeray Jaamacad ku taala wadanka Shiinaha (maxay soo doonteen)Akhri


Jaamacad ku Taala koonfurta wadanka shiinaha magaaladda lagu magcaabo Guangzhou ayaa waxaa subax keliya lagu arkay masas halaasi susumaya oo tiro badan taas oo hakad gelisey waxbarashadii sabtidii aan soo dhaafnay.
Arday ka mid ah ardaydii jaamacadaasi ka cararay ayaa waxa uu sheegay inuu isagu arkay ilaa 40 mas oo maraya xaydaabka jaamacadda, kuwaas oo midba in leegyahay, waxa kale oo aan arkay buu yidhi Yu Gain Zin ilaa 60 mas oo la diley badankoodana waxaa jiidhay baabuur.
Urur ilaaliya dabargo`a noolayaasha ayaa haweeney u hadashay waxa ay sheegtay in masaskani aanay ahay nooc wax yeela aadamaha balse waxa ay intaas ku dartay inay doonayeen oo keliya kulayl maadaama uu qabaw ka jira dhulka hoostiisa khasbay inay banaanka u soo baxaan.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in laga soo bilaabo maalinimadii sabtidii ilaa hada ay adkaatay in ardaydii dhiganaysey jaamacadda qaarkood soo xaadiraan casharadii maadaama ay ka cabsanayaan masaskaasi faraha badan

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.