Maxkamada Sare Dalka Oo Digniin Ujeedisey Maxkamadaha Caalamka

Faarax December 13, 2012 0
Maxkamada Sare Dalka Oo Digniin Ujeedisey Maxkamadaha Caalamka


Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo maanta ka qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xiray 90 ka mid ah Howlwadeen , Xeer Ilaaliyaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyaal ka howl-galayay garsoorka dalka ayaa waxaa uu gudoomiyaha ugu horayn waxaa uu la dar daarmay Howlwadeenadaas.



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka  ayaa ka codsaday qaybaha kala duwan ee howl wadeenada ah inay ku camal falaan casharadii ay ku qaateen mudadii uu tababarka u socday oo gaaraysa Mudo halsana ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf ayaa Intaasi kadib waxa uu ka codsaday Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya in ku soo wareejiyaan Dowlada Soomaaliya kooxaha burcad badeeda ay ka qabanayaan Biyaha Dalka Soomaaliya waxa uuna intaas ku darey in la la xisaabtami doono Islamarkaana ay dacwadahood ku qaadi doonaan Gudaha dalka.

Hadalkan ka soo baxay  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa yimid xili dalalka reer galbeedka ay maxkamadeeyaan Burcad badeed ayna ku maxakamadeeyaan Wadamadooda .

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.