Puntland oo 500,000 neef ka daweyneysa cudurada Xoolaha ku dhaca.

Moos Bukeeni December 13, 2012 0
Puntland oo 500,000 neef ka daweyneysa cudurada Xoolaha ku dhaca.


 

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Puntland Siciid Xassan Shire oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ay wadaan qorsheyaal badan oo ku aadan daaweyn ay ku sameynayaan xoolaha nool eek u dhaqan degaanada Puntland.

Howshan ayaa waxaa uu wasiirka sheegay in ay socondoonta ku dhawaad mudo bila waxaana uu shaaca in ay fulin doonaan dhaqaatiir ka mid ah kuwa wasaarada xannaanada xoolaha ee Puntland.

Meelaha ay dhaqaatiirta caafimaadk xoolaha gaari doonaan ayaa waxaa ka mid ah degaanada miyiga durugsan ee dhulka Puntland si ay daawada xoolaha u gaadhsiiyan dadka xoola dhaqatada ah si ay xoolahooda ugu tallaashaan.

Wasaarada xannaanada xoolaha Puntland ayaa howshan kale kaashan doonta hay’ada ICRC oo wasaaradu gacan kale siin doonta daaweynta lagu sameynayo xoolaha nool ee degaanada Puntland ku dhaqan.

Cumar Maxamed Soomane.

 Raadraacnews






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.