Puntland oo ka hadashay Dagaalkii GalGala Ee Xalay (Daawo Sawirada )

Bosaso Office December 5, 2012 Comments Off
Puntland oo ka hadashay Dagaalkii GalGala Ee Xalay (Daawo Sawirada )


Dagaal Xalay ka dhacay Deegaanka Laak oo dhoor Km u jirta Deegaanka Galgala oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Amniga Puntland iyo kuwa al shabaab .

Dagaalkani ayaa yimid ka dib markii ay weerar soo qadeen Ciidamo ka tirsan Kooxda al shabaab weerarkani ayaa ahaa mid loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan .

Ciidamada Amaanka ayaa iskacaabin sameeyay balse qasaaro ba,an ayaa soo kala gaaray labada dhinac .

Wasiirka Wasarada Amniga Ee Puntland Col khaliif ciise Mudan oo shir jara,id ku qabatay xarunta taliska police ka Ee Gobolka Bari ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay ka dileen todobo ruux kuwasoo shan ka mid ah lagu soo bandhigay cisbitaalka Bosaso .

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dhinacooda ay ka dhinteen toban askari kuwasoo gaarigii ay saarnayeen Miino kula kacday xili ay gurmad u socdeen .

Wasiirka Amniga ayaa dhanka kale tibaaxay in ay xaalada deeganadaasi ay tahay mid aad u dagan waxaa uuna intaasi raaciyay in ay ku raad joogan dhawacyo la sheegay in ay horay u qateen .

ma ahan markii ugu horaysay oo weerar noocani oo kala ah ay soo qadaan kooxda al shabaab Ee kusugan Buuralayda GalGala .

Raadraacnews.com-Bosaso

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com