Puntland oo Kormeeraysa Hay’adaha Waxbarashada si loo eego Tayada Waxbarashada Dalka

Faarax December 10, 2012 0
Puntland oo Kormeeraysa Hay’adaha Waxbarashada si loo eego Tayada Waxbarashada Dalka


 

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Juxa ayaa Ka warbixyay safaro uu ku soo maray gobolada Puntland iyadoona wasiirku uu Sheegay in xaalada waxbarasho ee goboladii ay booqdeen ay ahayd mid wanaagsan.

Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa sheegay inay booqdeen gobolada Sool, Sanaag iyo Karkaar haatana ay safarkooda kasii wadayaan Gobolka Nugaal.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo badan oo ay dareemayaan dadka gobolada Puntland kuwaas oo ku aadan dhanka waxbarashada balse wax laga qaban doono.

Ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay aradayda reer Puntland inay ku dadaalaan una diyaar garoobaan imtixaanaadka fooda inagu kusoo haya.

Mar Wasiirka wax laga waydiiyay halka gobolka Nugaal u xigidoonta socdaalkiisa uu ugu kuur galayo waxbarashada deeganada Puntland ayuu sheegay in uu booqan doono Gobolada Mudug iyo Bari.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.