Puntland oo Sheegtay in ay soo afjarayaan Al-shabaab: Sidee Dhagayso Arrintas

Faarax December 7, 2012 0
Puntland oo Sheegtay in ay soo afjarayaan Al-shabaab: Sidee Dhagayso Arrintas


 

Dawladda Puntland ayaa wacad ku martay  inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shaabab oo ku sugan buurta Galgala xilli toddobaadkan uu agaagasi dagaal ku dhexmaray ciidamada difaaca iyo maleshiyaadka kooxda ee halkasi ku dhuumalaysanaya.

La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhanka amaanka Axmed Doonyaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kooxahani ka soo qulqulayaan Koonfurta Somalia,wuxuuna xusay in dhawaan la soo afjari doono shacabka iyo dawladuna ay ka midaysan yihiin tirtirada kooxaha firxadka ah.

Doonyaale oo ka hadlayey qaabka ay Al-shabaab ku gaaraan buuraha Galgala ayaa sheegay in dhulka Puntland uu yahay dhulbalaaran ayna jihooyin badan ka soo galaan oo bariga iyo bada ahba,wuxuuna tilmamay inay mid mid iyo lababa ay isku soo racaan isagoona meesha ka saarin in dawladda Puntland ay la socoto dhaq-dhaqaaqa kooxdan ku jabtay dagaalada koonfurtu Somalia.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u shaaciyey in Dagaalyahanada Al-shabaab ka dib markii ay ku soo jabeen dagaaladii Koonfurta Somalia gobollada Waqooyi bari ay gabaad ka soo dhigtaan.

Dhagayso Codka Doonyaale

donyaale

 

 

Raad Raac News Desk Bosaso

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com