Puntland oo Warsaxafadeed ay soo Saartay ku sheegtay inay iska Caabiyeen Dagaal lagu soo qaaday Buuraha Galgala.

Faarax December 5, 2012 0
Puntland oo Warsaxafadeed ay soo Saartay ku sheegtay inay iska Caabiyeen Dagaal lagu soo qaaday Buuraha Galgala.


 

 

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo
qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.

 
Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan
argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku
sugan agagaarka Buuraleyda Galgala.

 

Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho
weerarkaasi kasoo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay
jabiyaan weerarkooda.

 
Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga
qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.

 
Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey
weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray
argagaxisadii weerarka soo qaaday.

 
Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku
qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay
khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

 
Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed
gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab
oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

 

Warsaxafadeed ka soo Baxay Maamulka Puntland ayaad akhrisateen

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.