Ri loo sameeyey aas iyo tacsi sida dadka oo kale.

Faarax December 10, 2012 0
Ri loo sameeyey aas iyo tacsi sida dadka oo kale.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nin lixdanjir da`diisa lagu sheegay oo u dhashay wadanka Jordan ayaa aas aad u balaadhan u sameeyey ri uu aad u jeclaa oo ka dhimatay.


Ninkan oo lagu magcaabo Khaalid Al-Saqaar ayaa sheegay in ridiisa ay dhimatay shalay salaadii casar ka dib ayna mataano caloosha ku sidey oo ay isku dhimatay, waxaanu balan qaday in la baadhi doono sababtii ay u dhimatay, waxaanu arintaa ka codsaday dhakhaatiirtu inay ka gacan siiyaan.
Saqaar ayaa dadkii tacsidaas imaanayey waxa uu ka gudoomayey ereyo samirsiin ah isagoo dadka tacsida yimi siinaayey Timir iyo Qaxwe Carbeed sida caadada u ah dadka degaankaas marka ay tacsida yimaadaan.
Arintan oo dad badan ka yaabisay ayaa waxa ay ka dhacday magaalo yar oo ku taala waqooyiga Jordan xadka uu la wadaago Suuriya taas oo lagu magcaabo Al-Ramaata.
Shaki xoogleh oo soo food saaray eheladii ninkaasi ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen isga maskax ahaan ayaa dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen maskaxdiisu taam tahay oo aanay waxba qabin balse waxa ay sheegeen inuu jiro shoog ku yimi markii ridiisu dhimatay taas oo la mid ah marka uu qof ka dhinto qof uu aad u jecel yahay.
Aaska xoolaha loo sameeyo ayaan ku cusbayn dhegaha dadka iyadoo dalka Etoobiya dhulka ay Soomaalidu degto qarnigii sagaal iyo tobnaad aas xoogan loogu sameeyey hal lagu magcaabi jirey Garawo taas oo haatan ah magaalo weyn oo lagu magcaabo Garawo kana tirsan gobolka Wardheer.
Seynab Cabdi Warsame
xidigta6@hotmeil.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com