Ryan Giggs Oo Uga Digey Kooxdiisa Man United Arrimihii Xilli Ciyaareedkii hore

Faarax December 31, 2012 Comments Off
Ryan Giggs Oo Uga Digey Kooxdiisa Man United Arrimihii Xilli Ciyaareedkii hore


 

Ryan Giggs oo ka mid ah ciyaaryahanada mudada dheer u ciyaarayay kooxda haysa hogaanka horyaalka Premier League ayaa ugaga digey ciyaartoyda kooxdiisa inaysan ku dhicin sidii xilli ciyaareedkii hore oo ay ku waayeen horyaalka.

United ayaa ku bilaabanaysa sanadka 2013 iyadoo toddobo dhibcood ka horeysa kooxda ku soo xigta ee Man City iyagoo doonaya in ay markii 20aad ku guuleystaan horyaalka.

Balse Giggs oo 12 horyaal kula guuleystay United ayaa sheegay in United ay u baahan tahay in ay cashar ka barato xanuunkii bishii May ee ay ku waayeen koobka horyaalka Ingiriiska.

Giggs oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan ka horeynay dhibco badan xilli ciyaareedkii hore balse ma noqon kuwo nagu filan. “Hadda kalabarkii uun ayaan joognaa waxaana inoo harsan kulamo badan oo adag.

Giggs ayaa sii raaciyay isagoo sheegaya in kooxdiisu aysan u tartamayn oo kaliya Premier League: “Waxaa sidoo kale jira koobka FA iyo Champion Leagu oo kooxdu inay tixgeliso ay tahay.

“Meel wanaagsan ayaan ka joognaa horyaalka waana ku faraxsanahay,balse waa inaan meesha ka sii soconaa.”

United oo siddeed dhibcood iyadoo ku hogaaminaysa afartii kulan ee ugu dambaysay xilli ciyaareedkii hore ayaa laga qaaday koobka.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com