“Sharciga iyo Qofki Jebiya Wey Is Arkayaan” Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir !!! Yaa loo Hanjabay ? Bal eeg

Faarax December 24, 2012 0
“Sharciga iyo Qofki Jebiya Wey Is Arkayaan” Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir !!! Yaa loo Hanjabay ? Bal eeg


 

Garowe, Dec, 24, 2012 - Wasiirka warfaafinta Dowladda Puntland Enginer Maxamuud Caydiid Dirir oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay inay dawladdu gacan bir ah ku qabanayso cid kasta oo ay u aragto xasilloonida inay ka soo horjeedo.
Wasiirka warfaafinta Puntland Engineer Dirir, ayaa saluugay habka ay u tabiyaan warbaahintu wararka la xiriira dadka mucaaradka ku ah dawladda, waxaana isagoo hadalkiisa soo wata uu yiri waa wax laga xummaado in la is barbar dhigo dawladda iyo shaqsiyaad yar.
“Waanu ka xunahay in nabadoon aad ku sheegtaan shaqsi aan hayno sawiradiisa isagoo wata qori, oo waliba kasoo horjeeda Dawladnimada, kaasi oo kale nabadoon maahan, lagumana sheegi-karo” Sidaasina waxaa yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Enginer Caydiid.
Wasiirka warfaafinta Puntlnad Dirir waxaa uu shaaca ka qaaday inay meel-kasta oo ka mid ah Puntland laga wadayo hawl-gallada lagu sugayo ammaanka, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka dalka.
Weriye Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’ oo Waraystay Wasiirka ayaa Dhinacyo Badan Wax ka weydiiyay



 


Hoos Ka Dhagayso Waraysiga oo Dhamaystiran

Wasiirka warfaafinta Puntland Enginer Maxamuud Caydiid Dirirr cod

 

 

Raad Raac News Desk Garoowe

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.