SIRTA KA DAMBAYSA BIYAHA SAMSAMKA

Faarax December 6, 2012 0
SIRTA KA DAMBAYSA BIYAHA SAMSAMKA


Waqti hadda dhawr todobaad laga joogo ayaan mareeg ka mid ah mareegaha soomaalida oo aan weliba ku rajo weynahay in ay ahayd Taleex media waxan ka akhriyey nin Soomaali ah oo sanado badan dhega la’aa oo inta xajka tegey oo biyaha Samasamka (Zamzam) ka cabbey, dib maqalakii ilaah ugu soo celiyey.

 

Aniga oo arrintaas xasuusan baan nin aanu asxaab nahay waxan ku idhi war arrinkaas baa maanta meel lagu soo qoray, markaasu yiri: Ah, waa iska hadal. Run ahaantii waan yare dhibsaday hadalkaas, laakiin uma jawaabin e waxay ila noqotay in aan war ku filan siiyo, waana arrinta maqaalkan kooban igu kaliftey.
Sida aynu ka warqabno biyaha Samsamku waxay markii u horraysey dhulka oogadiisa u soo bexeen oo ceelkaasi ceel jira noqday markii Nebi Ibrahim (CS) iyo xaaskiisii (Hagar/Agar) oo Nebi Ismaciil (CS) oo dhasahy sidata uu agagaarka Kacbada kaga sadcaalay.

 

Waxa ina soo gaadhey in uu uga tegey xoogaa timir ah iyo xoogaa biyo ah. Hagar (RAC) markay aragtay in Nebi Ibrahim (CS) uu meeshaas cidlada ah kaga tegayo oo dhaqaaqay bay ka daba oroday oo tiri: Yaad nagaga tegaysaa? Hagar jawaabtii Nebi Ibrahim (CS) iyo intii uu soo jeensanayey bay yare raagsatey, markaasay iyada oo ilaah aaminsan Nebi Ibrahim in uu “Khaliil u Raxmaan” yahayna og, ayay tiri: hadal u eg “ma ilaah baad nagaga tegaysaa”? Suaashaas oo Nebi Ibrahim (CS) kaga jawaabey haa, waxay tiri: hadaa na dayici maayo, Nebi Ibrahimna (CS) hadalkaas ka dib meeshii ilaah ku amray buu aadey.
Waqtigaas Xaramka iyo agagaarkiisu waa dhul cidla ah oo aan biyo iyo wax kale toona lahayn, waxaana la inoo sheegay in Kacbadu dunsanayd oo seeskeedii wax ka taagnaayeen.

 

Hagar markii ay halkii muddo aynaan caddayn karin joogtey waxa ka dhamaaday biyihii iyo timirtii.

 

Ka dibna iyadii iyo Nebi Ismaciil (CS) oo murjuc ah ayaa meeshii harraad iyo gaajo ku qabsatay. Waxa la inoo soo weriyey in Hagar (RAC) ay biyo raadisey oo tiroba todoba jeer isaga daba noqotay “Safwa iyo Marwa”, iyada oo laga yaabo in ay mar walba Nebi Ismacil (CS) ka tegeysey laakiin aynu garan karno in hooyo ilmeheeda mar walba laabta ku hayso oo degdeg ugu soo noqonaysey.

 

Waxa iyana ina soo gaadhey, in markii todobaad ay meeshii Nebi Ismacil (CS) jiifey ku soo noqotay, ay la kulantay biyo Nebi Ismaciil (CS) cigihiisa hoostooda ka soo baxaya, ereyga Zam-zam waxa la yiri waa hadalkii ay inta biyihii dhagxan iyo ciid istiri ku celi oo ku moostay markay joogsan waayeen ay ku tiraabtay, wuxuuna isu rogey magaca biyaha iyo ceelka.
Waxan qoraalkan kooban ugu talo galay in aan saaxiibkaas iyo inta la aragtida ah war kooban kaga siiyo biyaha Samsamka, isla markaana aynu isku xasuusino in ceelka Samsam iyo biyihiisu ay ka duwan yihiin biyaha kale ee caalamka oo dhan.
Barakada biyaha Samsamka


Si taasi inoogu suuragasho, waxaynu si kooban uga eegaynaa haddii eebbe idmo laba dhinac:
(A) Dhinaca diinta oo aynu ku soo qaadan doono dhawr xadiis oo Nebi Maxamed (SACWS) laga weriyey, kuna saabsan biyaha Samsamka.
Dhanka diinta islaamka waxaynu ku haynaa marka u horraysaa warkaas kooban oo hordhaca aynu ku soo aragnay. Waxa intaa inoo dheer, xadiisyo Nebi Maxamed (SACWS) laga weriyey oo aynu halkan dhawr ka mid ah ku xusi doono (macnal xidiith) insha allaah:
1) Waxa Nebiga (SACWS) laga weriyey in uu yiri: Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbo.
2) Waxa kale oo Ibin Cabbaas (RAC) Nebiga (SACWS) ka weriyey isla xidiiskaas oo aad loo faahfaahiyey:

 

Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbo, haddaad in ilaah kugu cafimaadiyo u cabto, ilaah caafimad buu kugu siinayaa, haddaad inaad harraadka iskaga bi’iso u cabtona harraadkay kaa bi’inayaan insha allaah.

 

Wuxu intaa raaciyey in Nebigu (SACWS) intaa ku daray waa jugtii Jibriil iyo waraabintii alle ee Nebi Ismaciil (CS).
3) Waxa kale oo jira xadiis Nebiga (SACWS) laga weriyey in uu yiri: Biyaha Samsamku waa biyaha ifka ugu khayrka badan.
Waxan filayaa qofka muslimka ah in intaasi ugu filantahay aaminaad iyo rumaysi in biyaha ceelkaasi yihiin biyo si aynaan fahmi karin ku yimi, kana duwan kana khayr badan biyaha kale ee caalamka, sida saddexdaas xadiis inoo xaqiijiyeen.

 

Tan kale ma filayo in qof si dhab ah ilaah iyo rasuulkiisa u aaminsani u baahan yahay in wax loogu daro.

 

Laakiin waxa dhici karta qofka intaasi ka maqantahay in uu isaga qaato khuraafaad iyo buun buunin, la buunbuuniyey biyo yar oo meel oomane ah ka soo baxay.
(B) Dhinaca cilmiga dhulka (Geology), gaar ahaan laamaha, (Hydrogeology & Hydrochemistry) oo ah lamaaha qaabilsan dhagxanta, biyaha-dhagaxa iyo kimikada biyaha.
Dhagxantu waxay marka hore u qaybsamaan saddex qaybood oo waaweyn: “Igneous, Metamorphic iyo Sedimentary” oo afka carabiga lagu yiraahdo “Naari, Mutaxawel iyo Rusuubi”.

 

Marka dhanka khayradkooda laga hadlayo gaar ahaan biyaha iyo shidaalka waxa saddexdaas nooc isu rogan labo: Waxa la yiraahdaa “Hard rocks”, kaas oo ah magac ay wadaagaan (Igneous iyo Metamorphic), kuwaas oo aad badho ugu ah biyaha shidaalkana ka madhan iyo “Soft rocks” oo ah magaca loo yaqaan qaybta kale ama (Sedimentary rocks) oo iyagu ah kuwa shidaalka laga helo biyuhuna ku kaydsamaan.
Hadaba xaramka iyo agagaarkiisa dhagxanteeda waa qaybta hore oo biyahana aadka badhada ugu ah, shidaalkana aan xagoodaba la eegin.
Aan biyihii Samasamka u soo noqdee, si dhagaxu biyo u yeesho ama looga hungureeyo waa in uu laba sifo yeesho:
• “Porosity” ama meelo banaan (microscopic-submicroscopic) ah oo u dhexeeya xabadaha ciidda uu ka samaysan yahay. Taasi waxay fududaynaysaa in ay biyaha roobka iyo biyo kasta oo la kulma u suurta gasho in ay dhagaxa galaan oo daldalookaas yar yar “voids” oo quruuruxa ama ciidda uu ka samaysan yahay xabadeheeda u dhexeeya oo hawadu ka buuxdo ay galaan oo buuxiyaan.
• “Permeability” oo ah in ay jiraan jidad yar yar oo daldaloolkaas aan intooda badan ishu qaban karin xidhiidhiya, si dareeraha ama biyaha “voids” ka ku jiraa isugu gudbi karo oo aan midiba meel keligeed ku xabsinaan, haddii meel la dalooliyo ama cadaadisku ka yaraadona ay isku shubaan, sidaasna dhagixii ku noqdo “Aquifer” ama dhagax biyaysan.
Hadaba, saynu kor ku soo xusnay dhagxanta Makka iyo agagaarkeedu waa “Hard rocks”, labadaas sifo midnana ma leh. Dhagxanta noocaas ahi waxay keliya oo biyo yeelan karaan haddii ay dildilaac “Fractures” yeeshaan, dilaacuna biyo joogto ah iyo kuwo sida Samsamka u fara badan midna ma yeesho.
Waxa kale oo caado u ah biyaha “Hard rocks” ee dilaacyada gala in ay gudhaan marka xilligu abaar noqdo ama aad looga dhaansado ama loo cabbo, laakiin Samsamku halkoodii bay joogaan doog iyo abaar midnana lagama dayriyo.

 

Waxa kale oo intaas u dheer oo dadka muslimka ahi warkooda hayaan in ay soo jireen qiyaastii 4000 oo sano oo intaa la cabbayey.
Hadaba, iyada oo waxyaalahaas la yaabka leh oo aynu soo xusnay, gaar ahaan nooca dhagxanta Makka iyo dhulka u dhow oo ah kuwa aan biya yeelaan la yaaban.

 

Ayaa cilmimo aqoon u leh cilmiga dhulka iyo biyaha oo isugu jira culimo muslim ah iyo kuwa reer galbeed ah, waxay baadheen meesha ay ka imaanayaan biyaha Samsamku.

 

Waxaana la yaab noqotay markii dhulka Makka u dhow oo dhan laga waayey ishii “Source” iyo dhagxantii “Aquifer” biyahaasi ka imanayeen.

 

Waxa kale oo diiwaangelintii iyo qoraladii kaydsanaa laga helay arrin marar badan dhacday oo ah in ceelasha kale ee aagga Makka ku yaal oo dhami gudhaan xilliga xun ama abaartu dheeraato, isla markaana biyohoodu raad dhaw oo la raaco leeyihiin, laakiin biyaha Samsamku ay joogto yihiin, raadkoodiina ka baxay dhulka dhow oo dhan.
Cilmi-baadhayashii ku xeel dheeraa aqoonta dhulk iyo biyaha ee u tafaxaytey badhitaanka biyaha Samsamka, waxay inagu soo kordhiyeen in biyaha Samsamku ku yimadaan ama ku socdaan habka loo yaqaan “Capillary action”.

 

“Capillary action”, waa habka dhirtu dhulka biyaha ay u baahan tahay kaga qaadato ilaa laamaha iyo caleemahana kor ugu gaadhsiiso ama ugu dirto.

 

Waxa hawsha qabta xidido dhumucdoodu ka yar tahay tan timiha dadka marka la cabirayona lagu cabiro “microns”, 1 cm = 10,000 um (Microns).
Baadhistaas waxa ka soo baxay in biyaha Samsamku ay ka yimaadaan dhul aad u fog, aynu ku socdaan habkaas aan ishu qaban karin oo aynu xusnay. Waxa kale oo la isku raacay in ay soo maraan jidad dhererkoodu yahay boqolal ilaa kumanyaal (KM).

 

Waxa ka mid ah dalalka la hilaadinayo in ay ka yimaadaan: Yaman, Suuriya, Ciraaq, Turkiga iwm. Waxa kale oo iyana la xaqiijey in ay ku yimaadaan hab “Radial” oo ah, ama ay wareegga ceelka salkiisa iyo hareerihiisa oo dhan ay ka soo galaan oo aanay hal jiho ka iman.
Intaa aniga oo og ayaan waxan raadiyey dhismohooda “Chemical Compsition”, waxaana helay dhawr “Chemical Analysis” oo ay jaamacado iyo “labs” kala duwani ku sameeyeen biyaha Samsamka. Dhamaan markaan isu eegay si gaar ahna ugu fiirsaday aniga oo maanka ku haya isbedelada biyuhu maraan marka ay dhulka hoostiisa socdaan, waxa dhismahooda ka muuqda in ay yihiin biyo da’weyn oo jid dheer soo maray, taas oo laga qiyaasi karo xidhiidhka ka dhexeeya “HCO3, SO4 iyo Cl-” oo dhinac ah iyo “Mg2+, Ca2+, iyo Na+”, gaar ahaan labada dambe oo dhinac ah.

 

Inkasta oo biyuhu dhul badan soo maraan dhagaxan kala jaad ahna soo milaan, waxa jira hab lagaga cabir qaadan karo inta ay dhulka hoostiisa ku soo jireen iyo dhererka jidka ay soo mareen, oo labaduba yihiin qiyaas kuna salaysan curiyayaasha biyahah ku jira.

 

Dhismahaas biyaha Samsamku wuxu markhaatiga u furayaa habka “Capillary” iyo fogaanta dhulka ay ka imanayaan oo ay cilmi-baadhyaashu hore u sheegeen.
Waxa kale oo jirta in biyaha dadweynaha aduunku cabbo oo dhan la mariyo wax la yiraahdo “Water treatment” oo aan la’anteed biyaha la cabbin. Habkaasi wuxu inta badan ka kooban yahay talaabooyin is-dabajoog ah oo ay ka mid yihiin: “Aeration, Sedimentation, Coagulation, Filteration, Disinfection etc”.

 

Biyaha Samsamku intaas midna ma maraan, waxaana filayaa in ay yihiin biyaha keliya oo malaayiin qof cabto oo aan intaas midna marin, weligoodna caafimaad mooyee aan cudur iyo cabasho midna ka iman.
Dhan kale marka laga eego, biyaha ceelasha waxa ku dhasha nafley (Algae, Bacteria etc), waxyaalaas noolina waxay dhaliyaan in ama midabka biyuhu is bedelo ama urtooda ama dhadhankooda. Hadaba, biyaha Samsamka waxa ku jira oo dhismohooda ka mid ah “flourides” oo leh “germicide action”, sidaa darteedna isma bedelo dhadhankoodu, urna ma yeeshaan, aragooduna waa saafi.
Laakiin, iyada oo ay sabab u tahay meesha ceelku ku yaal, oo la odhan karo waxay ku yaalin Kacbada dugeeda (20m) keliya u jiraan, waxa keliya oo waayadan dambe laga ilaaliyaa in aan biyo wasakh ahi meelna uga iman, laakiin iyagu keligood ayay iskaga filan yihiin wixii noole xanuun dhalin kara oo dhan.
Waxa kale oo biyaha Samsamka dhismohooda ku cad in ay yihiin biyo marka af guud la isticmaalo macdantu ku badan tahay.

 

Waxayna taasi faaiido weyn u leedahay dadka xajka taga oo aad u dhidida ka dibna curiyayaal badan oo jidka iyo caafimaadka qofka muhiim u ahi ay ka raacan dhididka, kuwaas oo biyahan barakasani u soo celiyaan.

 

Waxa kale oo tariikhda lagu hayaa oo aan mar iyo labo ahayn dad ku noolaaday muddo farabadan oo bil gaadhaysa ama ka badan oo aan mudadaas wax kale afkooda saarin, iyo kuwa badan oo xanuuno khatar ah oo dhakhaatiirtu ka quusatay qabey oo markay cabbeen oo ducaysteen iyaga oo sida la ina faray qiblada u jeeda kaga caafimaaday.
Tilmaantii la inagu siiyey xadiisyadii aynu kor ku soo aragnay, haddaynu u geyno sifaadka ay biyahani leeyihiin sida:
Gebagebo
• Dhagxanta ay ka soo baxaan oo aan dhagxan biyood ahayn
• Fogaanta dhulka ay ka imanayaan oo ceelkaas yar isku soo shubayaan.
• Habka “Capillary” ee ay ku socdaan.
• Dhismahooda oo gaar ah una eg in loogu talo galay curiyayaasha xaajiga jibaysan ee allaah, allaah, allaah da haya ka lumaya in u cawilaan.
• 4000 ee sano oo lagu wado in ay soo jireen iyo iyaga oo aan isdhimin.
• Aragooda, urtooda iyo dhadhankooda oo aan intaa isbedelin.
• Habka la dagaalanka jeermiska ee ka dhex samaysan.
• Noolaanshaha keligood lagu noolaan karo.
• Dadka faraha badan oo aduunka dacaladiisa ka kala yimi oo ku caafimaaday.
Waxa inoo soo baxaysa in aysan biyo caadi ah shaqo ku lahayn. Waxana in la is xasuusiyo mudan, qaybtii xadiiska rasuulka (SACWS) ka mid ahayd ee lahayd hadal la macne ah “Waa jugtii Jibriil iyo waraabintii alle oo Nebi Ismaciil
Waxan kaga baxayaa marka hore qofka muslimka ahi diinta waa in uu sida ay tahay u aamino e uusan inta macquul la noqotana rumayn inta kalena ka tegin.

 

Waxana iga talo ah walaalow wixii aad markaa fahmi weydo ama adigu raadi ilaa aad jawaabta ka heshi ama ciddii ehel u ah la kaasho. Laakiin, marna sida saaxiibkay ha yeelin.

 

Waxan kale oo ”, taas oo u muuqata in Jibriil (CS) la faray fulinta amuurtan. Dhagxanta ay ka soo baxayaan, habka “Capillary” ga iyo masaafadu jug aynaan fahmi karin weeye.

 

Tan kale, Nebi Ismaciil (CS) waa Nebi Maxamed awowgiis, ilaah baana waraabiyey sidaa Nebi Maxamed (SACWS) xadiiska ku sheegay.

 

Run ahaantiina biyaha Samsamka sir rabbaani ah oo aan qaarkeed caqliga iyo cilmiga midna fasiri karin baa ka dambaysa, mana aha biyo baahida loo qabey xilliyada qaar ay keentay in waxtarkooda la buun buuniyo e waa biyo barakaysan.

 

Waxana qofkii nasiib u yeesha oo ilaah noloshiisa la kulmiyo ku boorrin lahaa in uu sidaa xadiiska la inoogu sheegay u cabbo.
dhamaan idiinka digayaa in ay jiraan dad biyo badankooda la sheegay in ay “contaminated” yihiin ku gada aduunka dacaladiisa, isla markaana ku sheega biyo Samsam oo barakaysan (Wallaahu aclam).
W/Q: Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com