Taageerayaasha kooxda Arsenal Oo Codsanaya in Awoodaha Qaar Laga Qaado Tababare Arsene Wenger

Faarax December 13, 2012 0
Taageerayaasha kooxda Arsenal Oo Codsanaya in Awoodaha Qaar Laga Qaado Tababare Arsene Wenger


Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa dalbanaya in la sameeyo isbedel weyn kadib guul daradii ay dhadhan siisay kooxda Bradford City kulan ka tirsanaa koobka league One.




style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Taageerayaasha ayaa raba in isbedel lagu sameeyo guddiga sare ee naadiga. Arsene Wenger laga qaado xilalka qaar loona dhiibo shakhsiyaad kale, tababarahana uu qarash gareeyo malaayiinta lacag ee u taal.

Afyaheenka ururka ay ku midoobeen taageerayaasha Arsenal ee lagu magacaabo Arsenal Supports’ Trust Tim Payton  ayaa yiri “Waxaa la jooga waqtigii u adkaa ee uu kooxda la qaato Arsene Wenger 16-ki sano ee uu joogay. Asaga iyo naadigaba waxeey u baahanyihiin lagu sameeyo qaabka ay u shaqeenayeen  isbedel sida ugu dhaqsiyaha badan waa hadii xilliyadii cajiibka ahaa Arsene aysan ku dhamaaneen murugo.”

Taageerayaasha ma fahmi karaan sababta loo isticmaali waayay  £70million ee qasnada naadiga ku so dhacday xagaagan. Arsene waa inuu joojiy neceebka uu u qabo inuu qarash gareeyo lacagaha ay soo xareeyaan taageerayaasha naadiga ee marwalba daawada ciyaaraha kooxda.

“AST ayaa rumeesan in xaalada murugsan ee naadiga wax ka qabasho u baahantahay. Waxaan jeclaan leheen inaan aragno dhalinyaro dhiig leh oo lagu daro guddiga isla markaana talo ku yeeshaan agaasimida iyo jiheenta  staraatiijiyada kubadeed ee Wenger.

“Hal shaqsi ma agaasimi karo staraatiijiyada soo xera gelinta ciyaartooyda, mushaaraadka, hababka tababaranimo iyo inuu maamulo kooxda xilliga ay garoonka ku jirto. Waa shaqo uusan qaban Karin hal qof.”

Maalamahan waxaa sii badanayay cadaadiska saaran tababaraha kooxda Arsenal Arsene wenger oo aan naadigiisa kula guuleesan wax koob ah mudo 7 sano ah.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.