Talaagadaha wax qaboojiya ma ka raadsan lahayd kulayl bal eeg wadankan masiibadu asiibtay

Faarax December 30, 2012 Comments Off
Talaagadaha wax qaboojiya ma ka raadsan lahayd kulayl bal eeg wadankan masiibadu asiibtay

18 ayaa dhintay inta la ogyahay 24kii saacadood ee aan soo dhaafnay dalka Ukraine kadib markii qabow aan horey loo arag oo guurayaa ku habsadey.


Derejada heerkulka ayaa hoos u dhaaftay 28 halka loo yaqaan 0 digrii oo ah halka ay biyuhu ku dhagaxoobaan taas oo gayeysiisey dad badan inay kulayl ka raadiyaan Talaagaddaha wax lagu qaboojiyo si ay u badbaadaan
Darajada ugu saraysa ee talaagaduhu ay wax ku qaboojiyaan ayaa la sheegay inay tahay 0 digrii halka ay xaalada wadankaasina ay intiisa badan gaadhey heer ka hooseeya 28 digrii.
Ciidamadda wadankaas ayaa isku deyaya inay dad aad u tiro badan ka badbaadiyaan gaadiid iyo guryo baraf quraaradoobey ku dahaadhmay kaas oo burburintiisu ay meelaha qaarkood ka adag tahay dhagaxa.
Culimada Naawisha isbedelka hawada ayaa sheegay in saacadaha soo socda la filayo inay ka fududaan doonto cimilada Ukraine sida ay hada tahay oo laga cabsi qabo inay sii korodho dhimashada dadka barafki laayey.


|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.