Taliyihii Tarafikada Gobolka Banaadir oo maanta lagu dhaawacay Muqdisho.

Faarax December 4, 2012 0
Taliyihii Tarafikada Gobolka Banaadir oo maanta lagu dhaawacay Muqdisho.


Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Taraafiko ee Dowlada Soomaaliya Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dhaawiciisa.

Jen. Cali Gaab ayaa barqanimadii maanta ku dhaawacmay agagaarka Xaafada 21-October ee degmada Waabari, markii askari ka tirsan dowladda ay qori isla qabsadeen. Iyadoo Taliyaha sida la sheegay uu dhaawac ka soo gaaray Lugta waxaana la geeyey isbitaalka Daarul shifaa ee Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga dhaawacay Taliyaha uu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa askari kale oo ay murmeen.

Jen. Cali Gaab ayaa ka mid ah saraakiisha dowladda ee ugu fir fircoon, iyadoo lagu yaqaano xilliyada wadooyinka ay ciriiri noqdaan inuu gaarigiisa ka dego, deetana uu kala hago gawaarida si aanay wadada u sii xayirin.

Wadooyinka Muqdisho ayaa ah kuwo ciriiri ah, iyadoo ay bur bur ka muuqdaan, waxaana xilliyada qaar ka dhaca shilal gaar iyo gawaari xamuul sida oo ku gadoonta.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com