Turkiga oo Dhanka Militeriga ka Tageeraya Dowladda Soomaaliya

Faarax December 7, 2012 0
Turkiga oo Dhanka Militeriga ka Tageeraya Dowladda Soomaaliya


 

Madaxweynaha J. F. Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kula kulmay R/wasaaraha dalkaasi.

Madaxweyne Xasan SheekhMaxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Dhowaan si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istambuul ayaa la kulmay R/wasaaraha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan,  iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan xoojintya xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay Turkiga u sii wadi lahayd cawimadda ay siiso Soomaalida.

Wasiirka Gaashandhigga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynuha ku wehliya socdaalka uu ku  marayo dalka Turkiga ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay R/wasaaraha dalka Turkiga islamarkaana ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wadahadleen oo ku saabsanaa ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka kuwaaso ay kamid yihiin Tayeynta Ciidanka Booliiska iyo Zaanadaha Milatery ee ay ubaahan karaan Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Xasan Sh. Maxamuud  ayaa magaalada Ankara kahor raisulwasaaraha kula soo kulmay madaxweynaha dalka Turkiga iyagoo halkaasi ku kala saxiixday heshiis taarikhi ah oo ay ka gaabsatay in dowladda ay ka hadasho waxuu ku saabsanaa.

waa weji Cusub oo turkiga ku saacidayo Dowladda somaaliya iyagoo horayna ka taageri jiray Dhinacyada samafalka iyo gargaarka.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.