Urur Siyaasadeed Cusub oo lagu magacaabo HOR-CAD oo maanta Bosaso loogu dhawaqay .(Daawo Sawirada )

Bosaso Office December 4, 2012 0
Urur Siyaasadeed Cusub oo lagu magacaabo HOR-CAD oo maanta Bosaso loogu dhawaqay .(Daawo Sawirada )



Waxaa maanta Magaalada Bosaso gaar ahaan Hotelka Jubba loogu dhawaaqay Urur siyaasadeed Cusub ka soo Magaciisu yahay Hab Raac waxaa uuna ka mid noqonayaa Ururada Siyasadeed Ee ka jira Deegaanada Puntland .

kulankani ayaa waxaa goob joog ahaa Madax ka socotay Golaha Xukuumada Puntland ,isimo nabadoono ,Ganacsato iyo dadwayne aad u badan .

Mudane Maxamed yaasiin oo ah Afyeenka Ururkanin ayaa sheegay in ururkani Astaantiisu uu yahay Kitaabka Qur,aanka Kariim iyo Neef geela .

Waxaa uuna xusay in ururkani uu yahay mid u shaqayn doona Cadaalada iyo Shareecada islamka waxaa uuna cadeeyay dhamaan bulshada reer puntland uu u adeegi doono .

Madashii ay xafladani ka dhacaysay ayaa waxaa ka hadlay Madax katirsan Golaha xukuumada Ee Puntland ,Ganacsato iyo qaar ka mid Culuma,udiin .

Madaxda ururkani ayaa sheegay in ururkani ay ku mideysanyihiin Ganacsatada ugu waawayn Ee Puntland gaar ahaan kuwa kunool Magalada Bosaso .

Ururkani Hor Cad  ayaa noqonaya Urur siyaasadeedkii sedexaad Ee lagu dhawaaqo tan iyo marki Puntland ay shaacisay in la furan karo Urur siyaasadeed waxaana ka horeeyay Ururada Hosseed iyo Ugub .


Ururkani oo ay ku mideysanyihiin Aqoonyahano iyo Ganacsato ayaa waxaa gudoomiye loogu magacaabay C/qaadir Axmed Ducaale waxaa uuna kunool yahay Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Qaahira waana nin aqoonyahan ah .

Raadracnews.com–Bosaso Office

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com