Ururka la magacbaxay Midnimo Oo Bosaso Maanta loogu dhawaqay (Daawo Sawirada )

Bosaso Office December 11, 2012 0
Ururka la magacbaxay Midnimo Oo Bosaso Maanta loogu dhawaqay (Daawo Sawirada )


 

Munasabad si wayn  losoo agaasimay isla markaana ay ka qeeb galeen Madax ka socotay xukuumada Puntland ,aqoonyahano,Culuma,udiin , waxgaradka iyo haween ayaa lagu qabtay Hotelka Jubba Ee Magalada Bosaso .

Munasabadani ayaa ahayd mid lagu shaacinayay isla markaan loogu wan qalayay Urur siyaasadeedka Midnimo kasoo ka mid noqonayay Ururada Siyaasada Ee Puntland .

Gudoomiyaha Ururkani Dr.Saadaq Eenow oo madasha ka hadlay aya tibaaxay in ururkani uu ka mid yahay ururada siyaasadeed Ee Deganada puntland laga ka jira waxaa uuna intaasi raaciyay in uu ka shaqayn doono arimo badan oo ay ugu horeyaan arimaha Bulshada sida Caafimaadka ,Waxbarashada biyaha iyo Korontada oo asaas u ah Bulshada .

Dhanka kale Cali cabdi aware oo ka mid ahaa siyaasiyiintii manta ka qeeb galay kulankani loogu wanqalayay xisbiga Midnimo ayaa sheegay in uu aad u soo dhawaynayo in xisbigani uu ka mid noqdo xisbiyada siyasada Ee Puntland .

Ganacsatada iyo dadka waxgaradka ahaa ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la tageero nidamkan asxaabta badan ay puntland ay ku dhawaqday  waxaa ayna sidoo kale ay tibaxeen in ay rajaynayaa in inta ka harsan furashada xisbiyada in la heli doono xisbiyo kale .

Horay ayaa u jiray xisbiyada HORSEED,UGUB,HOR-CAD iyo Xisbigan manta lagu dhawaaqay Ee MIDNIMo.


Raadraacnews.com  Bosaso office.



|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.