Wafdiga Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray Ankara islamarkaana lagu wado in ay kulamo la yeeshaan Madaxda Dowlada Turkiga.o

Faarax December 5, 2012 0
Wafdiga Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray Ankara islamarkaana lagu wado in ay kulamo la yeeshaan Madaxda Dowlada Turkiga.o



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Madaxweynaha Jamhuuiryada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay fiidkii gaaray Magaalada Ankara, ayaa maanta lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Dalkaasi Turkiga Abdallah Gul, iyagoo ka wada hadli doono arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan iyo saraakiil kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ankara ee Wadanka Turkiga.

Wararka naga soo gaaraya Dalka Turkiga ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay kulmi doonaan gelinka hore ee maanta, si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasada iyo ammaanka ee Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa la kulmi doona dhigiisa Turkiga oo ay ka wada hadlayaan arrimaha dib u dhiska Ciidamada xooga dalka iyo sidii looga taageeri lahaa dhinacyada qalabka iyo saanada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka uu la kulmo Madaxweynaha Turkiga u ambabixi doona magaalada Istanbul oo uu kula kulmo doono Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweynaha ku tago Turkiga, iyadoo Dowladda Turkiga ay tahay dalka kaliya taageerada ugu badan siiyo Dowladda Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay abaarihii iyo macluushii ku dhufatay Soomaaliya sanadkii hore.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.