War Deg Deg ah: Madaxweynha Soomaaliya oo ka Laabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Kaddib Markii Kenya ay Diiday in uu Nairobi Gaaro xili uu Kenya ku Socday.

Faarax December 12, 2012 0
War Deg Deg ah: Madaxweynha Soomaaliya oo ka Laabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Kaddib Markii Kenya ay Diiday in uu Nairobi Gaaro xili uu Kenya ku Socday.


War Gor dhow naga soo Gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Sheikh uu ka Laabtay Garoonka aadan cadde xili Manta uu gaari lahaa Nairobi, arrintaan ayaa timid kadib Markii Dowladda Kenya ay ku so Wargelisay in uusan soo gaari karin Nairobi xilligan Sababo la xiriira Khillaaf Cusub oo dhanka Siyaasadda awadeed ah.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku socday Wadahadalo uu Dalka Kenya kala yeesho arrinta Jubooyinka oo sida la Ogsonyahay ay aad uga caraysantahay Dowladda Kenya Siyaasadda Xasan sheikh ee ku wajahan Maamul u samaynta Kismaayo.
Qaar ka tirsan Wafdiga Madaxweynaa ayaa si qaldan uga degay Nairobi iyagoo ku jahwareeray Dib u dhaca Degdeg ah ee ku yimid Safakooda.
Ila hadda Dowladda Somaaliya wax war ah kama soo saarin arrintaan oo Maanta si kedis ah ku dhacday.
Waa markii labaad oo ay Todobadkan diidan Madaxda Kenya inay qaabilan Xasan Sheikh iyadoo Safarkiisi Jabuuti uu doonayay in uu Madaxda Kenya la kulmo Balse ay Madaxda Kenya diiday in arrintas ay kala hadlaan.

 

 

Wixii arrintaan ka so Kordha kala soco Raad Raac News

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com