Weriye kafantiisa isagoo sita ka soo muuqday Tilifishin isla markaana weeraray maamulka Dawladda iyo warbaahinta.

Faarax December 3, 2012 0
Weriye kafantiisa isagoo sita ka soo muuqday Tilifishin isla markaana weeraray maamulka Dawladda iyo warbaahinta.


Gabadh weriye ah oo u dhalatay wadanka Masar laguna magcaabo Hala Fahmy ayaa markeliya ka soo muuqatay Tilifishinka Xukuumada Masar khaasatan Janalka labaad iyadoo sidata kafan.


Hala Fahmy ayaa si lama filaan ah waqti la dhawraayey warxileedkii la soo baxday marada cad ee kafanta ah taas oo muujinaysey inay isu diyaarinayso dhimashadeedii.
Hala Fahmy ayaa waxa ay ceeb dusha uga tuurtay xukuumadda Murzi oo ay ku tilmaantay mid ka gaabisay wixii loo igamaday isla markaana waxa ay canbaaraysay saxaafadda dalka Masar oo ay sheegtay inay indhaha ka rideen runtii beena faafinayaan.
Gabdhan oo lagu tilmaamu mid aan ka gaban runta ayaa la jaray warkeedii markii uu daqiiqado soconaayey mana jirto wax dhib ah oo soo gaadhey ilaa hada aanay jirin balse waxay tilmaantay hadalkeeda ka dib in ay isku mid yihiin dawladda Murzi iyo tii Mubaarak.
Hala Fahmy ayaa dawladii Mubaarak ee taladda laga tuuray ka joojisey shaqada Tilifishanka kadib markii la arkay inaysan la dhacsanayn siyaasadiisii taas oo soo shaqagashay markii uu dhacay kadib markii ay ka maqnayd 4 sano ayaa hadana la filayaa inay mutaysato sida ay sheegtay dabagal iyo shaqo joojin.

 Seynab Cabdi Warsame

Xidigta6@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com