Xasan Sheikha oo Sheegay in Ciidamada laga Sarayo Muqdisho si Khatarta ay Gaysan karaan u yaraato.

Faarax December 10, 2012 0
Xasan Sheikha oo Sheegay in Ciidamada laga Sarayo Muqdisho si Khatarta ay Gaysan karaan u yaraato.


 

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu socdo qorshe guud ahaan Magaalada Muqdisho looga saarayo ciidamada wata hubka ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay badatay cabashada shacabka Soomalaiyeed kasoo yeeraysa ee ku aadan askariga wata hubka ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ee dadka dhibaateeya.

Wuxuu sheegay in dhawaan laga uruurin doono Magaalada Muqdisho lana geyn doono xerooyin loogu talo galay ciidanka Dowladda Soomaaliya oo laga sameyn doono daafaha Magaalada Muqdisho.

“Askarta marka la uruuriyo ee xeradaas la geliyo kadib markuu soo baxayo waa labo mid waa mar uu shaqo soo aadaayo oo qorigiisa uu wata iyo mar uu bilaa qori yahay oo qaraabo salaan soo aadayo”Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in marwaliba Dowladda Soomaaliya ay cafis siinayso dhalinyarada ku jira Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kala horjeeda hadii ay kasoo baxaan ururkaasi.

Hadalka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay qaati ka taagan yihiin qaar ka tirsan ciidanka Dowladda oo caadeestay dhibaateenta shacabka.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.