Xildhibaan Botaan oo Ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo Ku Edeyay Xukumadda Puntland in Dhinacyo badan ay ka Gaabisay. (Dhagayso Codkiisa)

Faarax December 13, 2012 0
Xildhibaan Botaan oo Ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo Ku Edeyay Xukumadda Puntland in Dhinacyo badan ay ka Gaabisay. (Dhagayso Codkiisa)


Xildhibaan Cabdulqaaadir Faarax bootan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo shir Saxaafadeed war baahinta ugu qabtay magalada Garowe aya waxa uu ka waramay qodobo dhowr ah oo salka ku hayay xiligaan heerka ay taagan tahay siyaasad ahaan Puntland.

 

Meelaha uu sida gaarka ah  u farta ugu fiiqay xildhibaan bootaan  ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amaanka uu ku tilmaamay in ay tahay mid aan leysku halleeyn sheegayna in aan waxba laga qaban cidii ka dambeysay dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Magaalooyinka Puntland oo ay caasimada ku jirto sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa waxaa uu ka waramay hoos u dhac uu ku tilmaamay inuu ka tagan yahay dhaqaalaha Puntland taasina uu sheegay  in maamulka xiligaan jira uusan  isku dayin inuu wax ka qabto hoos u dhaca dhaqaalaha.

 

Xildhibaan bootaan ayaa shirkiisaan jaraa’id waxyaabaha uu ku cabiray waxaa ka mid ahaa caburin uu sheegay in dhanka war baahinta lagu hayo.

 

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa waxaa uu ugu baaqay isimada rer Puntland oo ah marjamaca dib loogu laabto in ay iska arkaan xaalada qalafsannaanta uu ku tilmaamay ee xiligan ka tagan mandiqada Puntland,

 

Hadalkan xildhibaan Cabdulqaadir Farax Bootaan ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo Puntland ay ka gudbeyso sanadkan habka qaba’ilka oo mudo badan ay wax ku soo dooran jirtay tasi noo hana qaadkee uu sal dhig u yahay furashada ururrada siyaasada ee oo si xowli ah degaanada Puntlnd uga soconayo.

 

Hoos Ka dhagayso Dhamaan Codkii Xildhibaan Bootaan.

Xildhibaan Botaan

 

Raad Raac News Desk Garoowe

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com