Xuubka Bikradda Dumarka oo lagu qabtay wadanka Sacuudiga oo loo soo iib geeyey

Faarax December 7, 2012 0
Xuubka Bikradda Dumarka oo lagu qabtay wadanka Sacuudiga oo loo soo iib geeyey


Shixnad laga soo waaridey dalka shiinaha oo loogu talagalay dib u samaynta bikranimada hablaha ayaa lagu qabtay wadanka Sacuudiga iyadoo laga soo dejiyey garoonka Boqor Khaalid ee magaaladda Riyaad.


Aaladan oo laga sameeyey xabkaha dabiiciga ah oo aan lahayn wax kiimikal ah ayaa la sheegay inuu keenay tuhun horey loo qabey oo la daba taagnaa sida uu sheegay Maxmed Mudawac oo madax ka ah kuliyada Daraasaadka Ijtimaaciga ee jaamacadda Imaam Maxamed bin Sacuud ee Barashadda Islaamiga.
Masuulkan ayaa sheegay in xabagtani oo ah qormo yar ay daboolayso xuubkii ka go`ay gabadha xubinteeda taranka ee loogu yeedho xuubka Bikradda kaas oo ka samaysan xabko laysku daray, waxana uu intaas ku daray inaan loo baahnayn wax camaliyad dhakhtar ee haweeneydu ay keligeed samaysan karto.
Maxamed Mudawac waxa uu sheegay in shixnadan oo ah mid aad u tiro badnayd ay markhaati ka tahay suuqa loo sameeyey iyadoo horey wax yar oo lagu soo qaldo shixnadaha haweenku waxa ay isku qurxiyaan la soo dhex geliyo taas oo ah buu yidhi caday baaba`a haweenka dalka haysta.
Masuulkani waxa uu cadeeyey inaanay wax waxyeelo ah u keeni karin haweenta isticmaasha balse ay tahay mid khiyaano ah oo aanay diinta islaamku qaadan karin isla markaana talaabo laga qaadayo cid kasta oo lagu helo, iyadoo uu tlimaamay inay baadhayaan wixii lagu garan lahaa.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com